Monday , 26 August 2019
Wararka Cusub
You are here: Home / Tag Archives: Somaaliya

Tag Archives: Somaaliya

Feed Subscription

Xoghayaha Qaramada Midoobay oo diblumaasi Marekanka ah u magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Guterres ayaa u magacaabay James Swan oo ah diblumaasi Mareykan ah ergeygiisa gaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo beddeli  doona Nicholas Heysom oo dawladda Soomaaliya dalka erisay kaddib markii uu su’aallo ka keenay dad rayid ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo intii lagu jiray doorashadii maamulka Koonfurgalbeed.
James Swan oo 56 jir ah  ayaa xilalka uu horey usoo qabtay waxaa ka mid ah safiirka dowladda Marekanka ee u qaabilsan Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo iyo Jabuuti, waxaa kalo uu mar soo noqday kaaliye ku-xigeenka xoghayaha guud ee Marekanka u qaabilsan arrimaha Afrika , maamulkii Barak Obama.
Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsanan doona Soomaaliya , wuxuu bartay xiriirka caalamiga ah iyo cilmiga difaaca qaranka oo uu ka kala dhigtay jaamacadda Georgetown iyo National War College, wuxuuna noqonaya qofkii labaad ee Marekan ah xilkaas qabta, waxaa ka horreeyey Jonathan Howe sannadihii 1993-1994.
Guterres ayay ku qaadatay muddo lix bilood ah inuu ku soo magacaabo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ,iyadoo ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in sababta muddada dheer ay ugu qaadatay ay tahay in uu helo shakhsi ka soo jeedda dalalka awoodda diidmada qayaxan leh iyo in qofkaasi u leeyahay khibrad diblumaasiyadeed arrimaha Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, xulashada Antonio Guterres  ee diblumaasiga Marekanka James Sworn ayaa loo arkay inay u sahashay maaddama uu wax badan ka yaqaano arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika, isagoo mar soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya.

Ciidamada Amaanka oo joojiyay siminaar Xisbiga Wadajir uga socday hotelka Maka Al-Mukarama

Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay siminaar hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Asxaabta siyaasada dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhaw bartiisa Facebook uga hadlay dhacdadan ayaa ku eedeeyay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka soo baxay sida uu hadalka u dhigay amarka lagu joojiyay siminaarka.

‘’Waxaa amar ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya lagu xiray hotelka Maka Al-Mukarama oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ka socda siminaar sare loogu qaadayay Aqoonta iyo Wacyiga siyaasadeed ee Kaadiriinta Xisbiga Wadajir ‘’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu sheegay in wax laga xumaato tahay in ciidamada Booliiska oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada loo adeegsado sida uu hadalka u dhigay caburin iyo caga-jugleyn.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira warka ku saabsan is hortaaga siminaarka hotelka Maka Al-Mukarama Xisbiga Wadajir. 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay Miisaaniyada Dowladda ee sanadkan 2019ka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fadhiggoodii maanta ee xarunta Baarlamaanka waxaa ay goor dhaw ku meel mariyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019ka.

Xildhibaannada dood ka yeeshay Miisaaniyada ayaa ugu danbeyntii waxaa ogolaaday 174 mudane ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay Miisaaniyadda 55.8% (189.9  Milyan) ka filaysa Gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa  deeqaha dawladda la siiyo.

Meel Marinta Miisaaniyada ayaa horey wadnaha farta uga hayay Wasaarradda Maaliyada, iyadoo marar badan xildhibaannadu ka keeneen dood, mar marka qaar lagu kala qeysamayay. 

Saddex Askari iyo qof rayid ah oo lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Somaaliya

Wararka naga soo gaaraya gobolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof dumar ah oo ka tirsaneyd dadka degmada

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddexda Askari ee la dilay waqtigaa ku howlanaayeen Uruurinta canshuurta laga qaado ganacsatada degmada halka qofka kale ee dhintay aheyd qof dumar ah oo xaamillo ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha amniga degmada Afgooye iyo guud ahaanba maamulka gobolka, hasse ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdii dilka geystay goobta isaga baxsadeen.

Afgooye ayaa ka mid ah meelaha ugu darran oo ay ka dhacaan dilalka, qaraxyada iyo weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo si rasmi ah xilka ula wareegay Maanta

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Waxaa xilka ku wareejiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Miye oo ahaa ku-simaha Madaxweynaha tan iyo markii uu xilkaa iska casilay Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Wuxuu sheegay in maanta uu si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay xilka madaxweynaha Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ku soo baxay codad gaaraya 101 cod.

Kulanka xil wareejinta ayaa waxaa uu ka sheegay Madaxweynaha cusub ee  Koofurgalbeed Laftagareen in uu muhiimadda 1-aad uu siin doono Amniga  Guud ee deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa u muuqatay mid kooban marka loo eeg xilwareejinnada noocan oo kale ah oo lagu martiqaado mas’uuliyiin kala duwan.

Inkastoo uu maanta xilka la wareegay ayuusan weli ka hadal Madaxweyne  Lafta-Gareen mowqifkiisa ku aadan golaha ay ku mideysan yihiin madaxda  maamul goboleedyada Galmudug, Puntland,Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Maxey ka dhiggan tahay dib -u habeynta lagu sameeyay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka

Arrintan ayaa ugu yaraan u muuqata mid meesha ka saari karta khilaafkii ka dhashay kala diristii guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka uu ku sameeyay Guddigan oo loo arkay mid aan la jaan-qaadi karin hannaanka geedi socodka nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Dib u habeyntan ayaa waxaa sidoo kale ka dhax muuqda in Guddoomiyaha Golaha Shacabku Maxamed Mursal  ku qancay tallaabadii ay horay u qaadeen ku-xigeennadiisa, isaga oo meesha ka saaray xubno muhiim ah oo loo arkay in ay ahaayeen kuwii hor boodayay warbixintii uu guddigu soo saaray ee la xiriirtay Musuq-Maasuqa iyo Wax is-daba-marinta Maaliyadeed.

Shaqsiyaadka dibedda looga saaray Guddiga ayaa kala ah Cali Cabdi Cismaan oo ahaa guddoomiyihii Guddiga, Ku-xigeenkiisii Maxamed Aadan Macalin iyo xoghayihii Guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dhinaca kale ka mid ahaa xildhibaannadii ugu cadcadaa ee soo gudbiyay mooshikii kalsooni kala noqoshada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xilligan ku dadaallaya sidii uu u soo celin lahaa kalsoonidii Golaha Shacabka oo waayadii ugu danbeeyay uu soo kala dhax-galay kala shaki weyn oo siyaasadeed, sidoo kale waxaa ay tallaabadan isku soo dhaweyn kartaa isaga iyo labadiisa ku-xigeen oo kala irdhoobay tan iyo wixii ka danbeeyay go’aankii lagu kala diray guddiga Maaliyada,

Ma’aha oo kaliya guddigan in dib-u-habeyn lagu sameeyay oo kaliya, balse guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badanMiisaaniyadda 2019 u horkeenaan Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo.

Guddoomiye Mursal ayaa u muuqda in qeyb ahaa uu aqblay cadaadiskii ahaa in guddiga dhamaanba la kala diro madaama laga saaray xubnihii hormuudka u ahaa waliba guddoonkii sare ee guddiga lamana sheegin in guddiyo kale loo wareejiyay iyo in kale.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay dib u furmaan kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka oo aan leysugu iman tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo ifbaxay khilaafkii ka dhashay Mooshinkii laga keenay madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Daah-furay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2020-2024

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shir lagu daah furayay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024 kaas oo gundhig u noqonaya horumarka la doonayo in dalku gaaro muddda shan sano gudahood ah.

Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in la diyaariyay hannaanka iyo qaab dhismeedka qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024, lana billaabayo la tashiyo lagala samaynayo mawaadiniinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida uga suganyihiin si qorshaha loogu saleeyo rabitaankooda.

Bulshada ayaa ka talo bixinaysa sida uu qorshuhu u ekaanayo, ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta dalka iyo muuqalka ay rabaan in dalku u ekaado si dawladda iyo hay’adaha kale ay ugu shaqeeyaan qorshaha laga sameeyo natiijada kasoo baxda xog iyo talo aruurinta bulshada Soomaaliyeed.

Qorshaha horumarinta qaranka ee maanta la daah furay oo noqonaya kii sagaalaad laga soo billaabo 1960-kii iyo sidoo kale qorshihii 2-aad tan iyo bur-burkii, ayaa bedelaya qorsha hadda jira ee 2017-2020.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka hadlay xaalada magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan codkiisa la maqal tan iyo intii ay soo ifbaxday xiisada siyaasadeed ka dhalatay mooshinka ayaa ku baaqay in la dajiyo xaalada magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha magaalada Baydhabo in ay ka fogaadaan wax kasta oo colaad horseedi kara, isaga oo ka digayy dagaal kale oo ka dhaca magaalada, leys kuna dayo in wax walba loo maro hab nabadeed iyo wada hadal.

‘’Waxaa ugu baaqayaa odayaasha iyo waxgaradka magaalada Baydhabo in ay xaalada dajiyaan, laga fogaado dagaal dhaca iyo dhiig danbe oo daadda, wixii maanta ka dhacay magaalada iyo qabashada Mukhtaar Rooboow waxaa lagala xisaabtamayaa ciddii arintaa ka danbeysay’’ ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Dhinaca mar uu soo hadal qaaday arinta mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kala qeybsanaanta Baarlamaanka ayuu sheegay in wax walba lagu xalin doono Golaha dhaxdiisa.

‘’Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan is leeyhay waa dad doonaya in ay dhamaantood wax hagaajiyaan, ee ma’aha dad doonaya in ay wax qasaan, sidaa daraadeed wixii xal u baahan oo la xalin karo guud ahaan wey ka siman yihiin, marnaba uma arkayo in arin shaqo ku saabsan la siyaasadeeyo, waxaan leeyahay wax aan la xalin karin ma’aha’’ ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Mar la weydiiyay in uu ka soo guuray xaruntii madaxtooyada oo uu deganaa iyo waxa ka jira in halkaa lagu go’doomiyay ayuu ku gaabsaday ‘’ Arrimahaasi waqtiggooda waa la soo dhaafay.. wax dhib ah oo hadda I hayaa ma jiro’’

Wuxuu meesha ka saaray in marnaba madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ka wada hadleen xiisada siyaasadeed ee taagan.

Hoggaamiyayaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo booqanaya Muqdisho ee Somaliya

Booqashadii ugu horreeysay oo wadajir ah ayaa lagu wadaa inay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku tagaan hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea , sida laga soo xigtay ilo xogo-gaal ah oo ku dhow Villa Somalia.

Warar horu-dhac ayaa sheegay inay Arbacada berri ah soo gaari doonan Muqdisho, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha Eritrea,Isaias Afwerki , wararka ayaa inta ku daraya in booqashadan ay daba socoto kulammadii saddex geesoodka ahaa ee madaxda dalalkan ay yeelanayeen bilihii la soo dhaafay.
Hoggaamiyayaasha oo u ku jira madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay ugu shiray Itoobiya iyo Eritrea ,iyadoo shirkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Gondor ee dalka  Itoobiya  lagu go’aamiyay in kan xiga lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Hoggaamiyayaasha saddexda dal ayaa  kulammadii hore ka soo saaray inay ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid yihiin iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni.
Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin booqashada la filayo inay hoggaamiyayaasha ku soo gaaray caasimadda Muqdisho.
Balse, booqashada hoggaamiyayaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea  ee magaalada Muqdisho ayaa ku aadday xilli madaxweynaha Soomaaliya uu wajahayo culeys uga imaanaya Xildhibaannada Baarlamaanka, kuwaas oo qaarkood ka gudbiyay mooshin ay ku doonayaan in xilka looga qaado, wallow xoghayaha guud ee Baarlamaanka uu maanta baahiyay inuu burey mooshinka.

Qarax goor dhaw ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho Somaaliya

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmaada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob Suuq Qaadka lagu iibiyo  ah, islamarkaana laga raro gaadiidka oo ay xiligaa ku sunaayeen dadweyne aad u faro badan.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaari wadada la dhigay uu  qarxay abaarihii duhurkii, waxaana laga cabsi qabaa in khasaare kala  duwan uu dhaliyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka gurmadka degdega ay goobta gaareen, sidoo kale waxaa goobta qaraxa ka dhacay tagay ciidamo ka tirsan kuwa Amniga.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ahaa mid si xooggan looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa imanaya xili magaalada Gaalkacyo subaxnimadii hore ee saakay ay ka dhaceen Qaraxyo culus oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux. 

Scroll To Top
Descargar musica