Monday , 26 August 2019
Wararka Cusub
You are here: Home / Tag Archives: Qarax

Tag Archives: Qarax

Feed Subscription

Xaalada Magaalada Muqdisho oo caawa kacsan iyo rasaas laga maqlayo waddada Makah-Al-Mukarama

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caaw ah mid kacsan kaddib qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay wadadda Maka Al-Mukaama oo lagu arko ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Marka laga soo tago weerarka Ismiidaamin ah oo lagu qaaday hotelka Maka- Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale qarax labaad laga maqlay meel aan ka fogeyn hotelka Naasa-Hablood ee KM4, inkastoo qaraxan danbe uusan wax saameyn ah yeelan.

Rasaas goos goos ah ayaa wali lagama maqlayaa agagaarka hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya shaki ay ciidamadu ka qabaan in ay jiraan maleeshiyaad ku dhuumaaleysanaya dhimayaasha ka agdhaw goobta uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa dumay uu bur buray dhismayaal ku yaala hareeraha waddada Laamiga ah, gaar ahaan agagaarka hotelka Maka Al-Mukarama oo loo maleynayo in ay ku hoos jiraan dad meyd ah, madaama waqtiga uu qaraxu dhacay goobtu aheyd mid aad u mashquul badan.

Waxaa goobta yaala  oo burburay gaadiid faro badan oo marka uu qaraxu dhacayay halkaa u taagnaa baaritaanno ay wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal qaraxyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Qaraxyada caawa ayaa imanaya xili maanta ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar uu sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al-shabaab. 

War Deg Deg ah : Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka nagasoo gaaraya EX koontorool Balcad ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi  qarax xxogan   jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka gobalka Banaarir waxaana dadka deegaanku ay u sheegeen dalsan in ay maqlayaan dhawaqa saraas culus.

Dadka ka ag dhow aaga qaraxu uu ka dhacay ayaa dalsan waxa ay u sheegeen sheegeen  in mar qura ay maqleen jug xooggan oo argagax gelisay,waxaana xigtay rasaas aan la ogeyn cidda ridaysa.

Dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaayay qaraxyo joog ah kuwaasi oo aysan dowladu xitaa ka hadlin

Qarax goor dhaw ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho Somaaliya

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmaada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob Suuq Qaadka lagu iibiyo  ah, islamarkaana laga raro gaadiidka oo ay xiligaa ku sunaayeen dadweyne aad u faro badan.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaari wadada la dhigay uu  qarxay abaarihii duhurkii, waxaana laga cabsi qabaa in khasaare kala  duwan uu dhaliyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka gurmadka degdega ay goobta gaareen, sidoo kale waxaa goobta qaraxa ka dhacay tagay ciidamo ka tirsan kuwa Amniga.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ahaa mid si xooggan looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa imanaya xili magaalada Gaalkacyo subaxnimadii hore ee saakay ay ka dhaceen Qaraxyo culus oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux. 

Dowladda oo shaacisay khasaraha Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar oo war-fidiyeenka kula hadlay goobta uu Qaraxa ka dhacay caawa oo lagu magacaabo Baar Somalia ayaa sheegay in ay ku dhinteen Afar ruux oo mid ka mid ah uu yahay carruur, halka tiro ka badan 7 ruux ay ku dhaawacmeen.

Baarkan oo dhawaan la furay ayaa dhabarka danbe dhinaca laamiga ka xiga Shaleemo Soomaaliya, wuxuu-n ahaa Baar habeenkii dadku kulmaan oo siweyn loo camiro islamarkaana dhawaan la furay.

Gaariga ayaa la sheegay marka uu qarxayay in uu ku sii socday dhinaca waddada aada Dabka, hasse ahaatee markii uu marayay afafka hore ee baarka uu mar kaliya Qarxay.

Goobta waxaa gaaray saraakiisha ciidamada Booliiska oo wada baaritaanno la xiriira Qaraxa iyo halka uu ka yimid madaama xiliyada habeenkii gadiidka isticmaala waddada Maka Al-mukarama siweyn loo baaro.

Faah faahin ku saabsan Qarax gaari lagu soo xiray oo saakay ka dhacay Muqdisho ee somaaliya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lagu soo xiray gaari yar oo kuwa raaxada kaa oo ku qarxay xili uu marayay degmada Boondheere maal aan wax badan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga.

Dadka gaarigan la socday ayaa la sheegay in ay ahaayeen Dad isku Qoys ah, Wiil Gabar ay Walaalo ahaayeen iyo waliba Hooyadood.

Wararku waxaa ay sheegayaan in goobta uu ku geeriyooday Wiilka oo gaariga waday halka sidoo kale ay dhaawacmeen Hooyadii iyo Gabadha la dhalatay oo ay gaariga wada saarnaayeen, waxaan sidoo kale dhaawacmay qof kale oo goobta ka agdhawaa.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta loo bartilmaameesaday dadkan la socday gaariga mana jirto ilaa iyo hadda cida sheegatay mas’uuliyada weeraran qaraxa loo adeegsaday.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn loo xoojiyay amniga magaalada Muqdisho Isgoys walba-na waxaad ku arkeysaa ciidamo baritaano ku hayay gaadiid dadweynaha, laakiin haddana dhinaca kale waxaa muuqata in wali qarax-yada iyo dilalku yihiin kuwo sii socda.

Caalamka oo cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray qeybo ka mid ah Muqdisho ee somaaliya

Dowladdaha Caalamka iyo Ururro Caalami ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qarax-yadii shalay lagu weeraray Kontoroolka laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dowladdaha Carabta, kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu ku soo aaday xilli Amniga caasimadda uu soo hagaagaayay.

Waxaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay wax-yeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa Laba Qarax iyo weerar toos ah shalay ku  qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Isgoyska Ceel Gaabta.

Ku dhawaad Lix qof oo Isugu jira Askar , Kooxdii Weerarka soo qaaday iyo dad Shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Qaraxyadii iyo weeraraddii Shalay ayaa ku soo beegmay xilli inta badan ay xirnaayeen Wadooyinka Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay.

Faah faahin oo ku saabsan Labada Qarax oo ka dhacay Caasimadda Somaaliya Muqdisho Maanta

Qaraxa hore ayaa ka dhacay maanta xiligii Salaada duhurkii ee Muqdisho meel gaadiidka lagu baaro oo ah waddo gasha garroonka dayuuradaha ee Aaden Cadde.

Wax yar uu kaddib markii uu qaraxaasi dhacay ayaa la maqlay jugta qarax labaad oo ka dhacay bar kontorool oo ku taalla agagaarka isgooyska Banaadir.

Qaraxan danbe ayeey wararku sheegayaan in uu dhacay kadib markii ciidanku ay rasaaseeyeen baabuur ay ka shakiyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga ay saarnaayeena ugu yaraan saddex qof kuwaa oo isku dayey in ay xoog ku maraan kontoroolka.

Ciidamada ayaa toogtay raggii saarnaa gaariga, kadibna waxaa qarxay baabuurka. Goobta waxaa sidoo kale ku dhintay laba askari oo ka mid ahaa ciidamadii halkaa ku sugnaa.

Qaraxa ka dhaca waddada gasha garoonka diyaarada magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay qofkii ismiidaamiyaha ahaa halka labo Askarina ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyadan oo dhan ayaa imanaya xili amaanka magaalada Muqdisho sare loo qaaday saddexdii cisho ee la dhaafnayna inta badan magaalada uu aad u yaraa dhaqdhaqaaqa dadka iyo gadiidka.

Qaraxu waxuu ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Barkontorool oo aan sidaas uga fogeyn Isgoyskaasi.

Ciidamada ayaa marka hore gaariga is qarxay ka shakiyay waxaana ay uga digeenn shacabka in ay u dhawaadaan sidaa daraadeed ciidamada oo ku howlan in ay xiraan waddada ayaa la sheegay in mar kaliya uu qaraxu dhacay.

Gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale tagay goobta.

Duhurnimadan ayay aheyd markii qarax gaari uu ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada.

Lama soo sheegin wali khasaaraha ka dhashay Qaraxan danbe.

Maamulka gobolka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay labo Qarax oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ugu yaraan Labo ruux ay ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay Xaafadda Oodweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayuu sheegay in uu miino dhulka loog aasay gaari uu la socday guddoomiye Laameed ka tirsan degmada Deyniile.

Sidoo kale Qarax labaad ayaa ka dhacay waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka warshadda Biyaha Caafi, Lama soo sheegin Khasaare ka dhashay Qaraxa ka dhacay Warshadda Biyaha Caafi.

Dadka reer Muqdisho ayaa u muuqda kuwo foojignaan dheeraad ah ka qaba Qaraxyada loo adeegsado gadiidka iyo miinada dhul la galiyo oo waayadii ugu danbeeyay siweyn u soo kordhayay.

Qarax oo Maanta Khamis ka dhacay Muqdisho (Hotel Weheliye)

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaaraha Qaraxii cuslaa ee maanta ka dhacay hotelka Weheliye e magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tirada dhimashadu gaartay 17 ruux.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in dadka dhintay u badan yihiin dad shacab ah oo fadhiyay ilinka hore ee Hotelka.

Dadka waxyeelladu ka soo gaartay weerarka ayaa waxaa ku jiray dad la socday gadiid goobta marayay oo u badna kuwa Mooto Bajaajka, sidoo kalana waxaa uu sababay bur bur xoogan oo soo gaaray dhimayaashii goobta ka agdhawaa iyo gadiid dadweyne.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee maalmihii ugu danbeeyay ka dhaca caasimada Muqdisho, lamana oga in qofka qaraxan geystay uu saarnaa gaariga iyo in goobta la soo dhigay meel ka fogna laga qarxiyay.

Scroll To Top
Descargar musica