Monday , 26 August 2019
Wararka Cusub
You are here: Home / Tag Archives: Barlamaank Somaaliya

Tag Archives: Barlamaank Somaaliya

Feed Subscription

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay Miisaaniyada Dowladda ee sanadkan 2019ka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fadhiggoodii maanta ee xarunta Baarlamaanka waxaa ay goor dhaw ku meel mariyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019ka.

Xildhibaannada dood ka yeeshay Miisaaniyada ayaa ugu danbeyntii waxaa ogolaaday 174 mudane ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay Miisaaniyadda 55.8% (189.9  Milyan) ka filaysa Gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa  deeqaha dawladda la siiyo.

Meel Marinta Miisaaniyada ayaa horey wadnaha farta uga hayay Wasaarradda Maaliyada, iyadoo marar badan xildhibaannadu ka keeneen dood, mar marka qaar lagu kala qeysamayay. 

Guddoomiyaha Maxkamada sare : Waa sharci daro xil ka qaadista leygu sameeyay

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maxkamada sare Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyahii Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

“Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fariisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano.” Ayuu yiri Gudoomiye Iidle.

Iidle ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Khamiistii ina dhaaftay ee todobaadkan ka wada hadleen arrimo la xiriira garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in in uu shaqada ay sideeda ku socon doonto.

Hadii Ibraahim Iidle Suleymaan uu ku adkeysto in uu weli yahay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, waxay arrintu u muuqaneysaa inuu dhici karo khilaaf xoogan oo dhexmara isaga iyo Madaxtooyada, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ku taliyay in ay muhiim tahay hawshan in si hoose loo dhameeyo.

Hadalka guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa khilaaf hor leh ka dhax abuuraya hay’addaha garsoorka iyo madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga jawaabta ay madaxtooyadu ka bixin doonto go’aanka guddoomiye Iidle.

Prof. Jawaari oo beeniyay in uu maanta is hortaagay kulankii ay yeelan lahaaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamo isaga taabacsan maanta xoog kula wareegeen xarunta Golaha Shacabka.

“Waxaan idin weydiinayaa 11 askari oo dhar cad ah meel lagu qabsan karaa, Jawaari ayaa qabsaday Xarunta Golaha Shacabka waxay la mid tahay, madaxweynaha ayaa qabsaday Villa Soomaalia, maxaa yeelay xarunta Golaha Shacabka Anigaa ka taliya” ayuu yiri Jawaari oo intaas ku daray in wararka sheegaya in uu qabsaday xarunta Baarlamanka ay yihiin kuwo ay faafiyeen xildhibaanada isaga horjeeda.

Jawaari oo soo hadal qaaday eedeyn uga timid taliyayaasha ciidamada ayaa sheegay in taliyeyaasha uu saaran yahay culeys kaga imanaya Xukuumada, ayna mudan yihiin in loo dulqaato, wuxuuna xusay in uu dhowr jeer kala hadlay iney arimaha siyaasada faraha kala baxaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Muudeey iyo xildhibaano badan ayaa ku eedeeyey gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mahad Cawad in ay maanta xoog kula wareegeen xarunta Golaha Shacabka islamarkaana ay tahay in tallaabo laga qaado.

Prof Jawaari : Madaxweynaha waa uu ku guuldareystay in uu dhax galo dhinacyada is khilaafsan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha uu ku guuldareystay in uu dhaxdhaxaadiyo dhinacyada uu khilaafku u dhaxeeyo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa sheegay in halkii uu ka filayay madaxweynaha in uu arintan soo dhaxgalay qaab odeytimo uu isaga ka dalbaday in uu is casilo, taasoo ah ayuu yiri arin gardaro ah.

‘’Madaxweynaha waa uu ku guuldreystay in dhaxdhaxaadiyo dhinacyada is khilaafsan ee Golaha Shacabka, waxey aheyd in sharciga la raaco ama arintan loo galo qaab odey-nimo ah, laakiin ma fileyn in Anniga la ii soo jeediyo in is casilo ‘’ ayuu yiri Prof Jawaari.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay Prof Jawaari in uusan dhaxdhaaxaad ka aheyn khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, isaga oo sheegay in uu fasaxay qabashada kulanka maalinta Berri ah, halkii loo baahnaa in uu ku soo afjaro khilaafka labada garab muddo 10 cisho ah.

‘’Bulshada Soomaaliyeed waxaa ogeysiineynaa in madaxweynuhu uusan dhaxdhaxaad ka aheyn khilaafka Baarlamaanka, isaga oo fasaxay in kulanka maalinta Berri ah uu dhaco, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa ku wargalineynaa in wixii cawaaqib ah oo ka dhasha kulanka maalinta Berri ah uu qaadi doono mas’uuliyadeeda madaxweynaha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay in ay gabtay waajibaadkeedii shaqo ee loo idmaday sidaa daraadeed loo baahan yahay ayuu yiri in ay meesha ka baxdo.

“Waa qariib in Xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaa rabaa in aan qeexo arrin dastuuri ah anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is casili maayo, iyada ha is casisho”ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Golaha Shacabka aya kulanka maalinta Berri ah ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Shirka jaraa’id ee guddoomiyaha ayaa muujinaya in ay meesha baxday waan-waantii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhax waday dhinacyada iska soo horjeeda ee golaha Shacabka.

Wasiir Khadiija : Weli mooshinka waa sharci waxaana loo gudbinayaa Golaha Baarlamaanka Somaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshey xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana kulankaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa siweyn u weerartay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari, waxaana ay sheegtay in wali mooshinka sharci yahay oo aan laga laaban.

‘’Mooshinkaasi waa gudbay, waa sharci, waxaan leeyahay halagu kalsoonaado, in Jawari uu sheego in mooshinka sharci ahaan uu buray waa nasiib darro, waxey wax u dhimeysaa aqoontiisa, waxey wax u dhimeysaa Diintiisa, waxey wax u dhimeysaa karaamdiisa’’ ayeey khudbadeeda ku sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiirka ayaa sheegtey in mar haddii mooshinka la qabto kaddib cidna ka noqon karin ilaa la geeyo golaha Baarlamaanka lagana doodo.

“184 haddii uu mooshinkaas gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka,laakiin hadii uu gaaro waa wax cad,waxana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan ‘’ ayeey tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed diiriye”

Hadalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sii xoojinaya tuhunka la qabo oo ah mooshinka ay gadaal ka riixayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Aqalka Baarlamaankii hore ee Soomaaliya oo dib cusboosin lagu sameynayo $100 million doolar

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshe lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ku burburay dagaaladii sokeeye.

Jawaari oo ka hadlayay barnaamij si toos ah uga baxayay taleefishinka dowladda ee SNTV oo lagu qabtay Muqdisho, ayna kasoo qeybgaleen dad badan ayaa la weeydiiyay sababta muddo sanooyin badan ah loo dhisi la’yahay.

Jawaari ayaa yiri “Gurigaas waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudanyahay in uu yeesho guri u dhigma (meeqaamkiisa) oo magaalo madaxda ka dhex muuqda, lacag badan ayuu u baahanyahay, waxaa is weeydiin mudan sababta aan u dhex fadhino isaga oo jajaban”.

Jawaari ayaa intaasi ku daray in xikmaddu tahay in maadaamaa ay dadka burburiyeen, in ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan markale loo burburin, isaga oo xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay.

Jawaari wuxuu sheegay in guriga gabi ahaantiisa la burburin doono, baarlamaankana u guuri doono meel kumeelgaar ah oo uu kusii shaqeeyo, kadibna la bilaabi doono dhismaha guriga.

“Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso” ayuu yiri Prof Jawaari.

Guddoomiyaha oo ay dhif iyo naadir tahay in uu warbaahinta la hadlo, ayaa dadweynaha uga jawaabayay su’aalo badan oo ay ka qabeen arrimaha baarlamaanka.

Guriga Golaha Shacabka ayaa la dhisay xilligii dowladdii kacaanka, guddoomiye Jawaarina waxa uu xusuustaa maalmihii wacnaa ee uu soo maray oo ay ka mid tahay markii gurigan lagu qabtay shirkii Midoowgii Afrika.

Horey waxaa u jiray guri kale oo uu baarlamaanka Soomaaliya lahaa oo lagu shaqaynayay 1960-kii iyo ka hor, kaas oo ku yiilay meel u dhow Daljirka Dahsoon, balse hadda waa uu burburay, waxa kaliya ee ka haray ayaa ah darbiyo.

Scroll To Top
Descargar musica