Saturday , 15 December 2018
Wararka Cusub
You are here: Home / Nolosha / Waxtarka Malabka (Honey)
Waxtarka Malabka (Honey)

Waxtarka Malabka (Honey)

Waxtarka Malabk uu leeyahay (Warbixin Caafimaad)

Malabka taariikh ahaan waxaa la sheegaa in la isticmaali jiray muddo 3000 oo sano u dhowaad Nabi Ciise (RC) ka hor.
Sidoo kale Faraaciinta hore uu ugu jiri jiray maadooyinka wax lagu xifdiyo sida hilibka, khudrada iwm. Iyadoo meydkana ay marin jireen.
Bakteeryaduna awood uma laha in ay ku noolaato malabka dhexdiisa in ka yar toban daqiiqo.
Malabka sida la sheego 700 oo sano ka hor ilmo dhintay oo lagu riday ama lagu kediyay sanduuq malab ah, ayaan wax is bedel ah
ku imaan Malabka waxa uu ka mid ahaa hadiyoonkii qaaliga ahaa ee la is guddoon siin jiray, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Nabi Yusuf
(RC) wixii loola yimid.
Sidaas oo kale waxa uu soo wariyay kitaabka Tawreed magac ahaan Nabi Suleymaan (RC) waxaa uu amri jiray ciidankiisa in ay
raadiyaan Malabka waana uu isticmaali jiray. Haddaba qiimaha Malabka waxaa uu Rabbi (SWT) ku sheegay Qur’aanka Kariimka ah,
Suuradda lagu magacaabo (Suuratul Al-Naxl) ayadaha 68 ilaa 69aad. Sidoo kale Suuradda Muxamad Aayadda 15aad.
Sidaas si la mid ah Nabiga (NNKHA) meelo badan ayuu kaga hadlay Malabka in uu daawo yahay.
Haddaba aynu isla eegno Malabka inta uu u dhigmo cunto ahaan….
Waxa la tilmaamaa inuu Malabku dhaliyo firfircooni. Wuxuuna 100grm. oo Malab ah jirka siiyaa 300 xaraarad ah, halkii kiilo garaam (1kg)
wuxuu dhigmaa cunto ahaan shan litar (5ltr) oo caano ah, ama lix-iyo labaatan (26) xabo oo muus (moos=banaana) ah, ama lixdan (60)
xabo oo liimo Bambeelmo ah, ama konton (50) xabo oo ukun (egg) ah, ama kow iyo toban iyo todobaatan iyo shan garaam (11.750grm)
oo hilib ah siiba hilibka dibiga, ama-se laba iyo toban kiilo (12kg) oo khudrad (vegetables) iyo macmacaanka oo u leh wax tar dheef shiidka iyo xubnaha.
Sidoo kale dhanaanka Malabka waxaa uu qofka u furaa cuntada isla markaa waxaa kororta korodhsiimada dhiiga, wuxuuna u qaas yahay feytamiinada (Vitamines) A, B & G.
Sida la og yahay Malabka waxaa ka buuxa macaadin, waxana ilaa imminka la hayaa oo laga soo saaray shan iyo toban nooc.
Waxaa ka mid ah: Protein, macdanta, Naxaasta, Kubriyam, Botasiyam, Mingiliisiyam, Phosphor, Color Sowdiyan, Kalsiyam Silkooyet,
Silikom, Manganiis iyo Fatamiinada B, B2, B5, B6, G iyo khamiirka, sidoo kale Nitroojiin sitrik iyo saliidda.
Haddaba haddii la rabo in la isticmaalo Malabka waa in la kariyaa lagana qaado xoorta, waa hubaal daawadiisa.
Si gaar ah wuxuu daawo u yahay Beerka (Liver) ama ba beer-xanuunka mana dhaco ruuxii daa’ma istimaalka Malabka!
Ilmaha (children) waxa looga daaweeya ama looga ilaaliyaa Burukiitada, hargabka cunto xumada, nafaqo la’aanta,
tani waa hadii loo daa’imo oo la siiyo maalin kasta saddex jeer (3times) min nus qaado (1/2 tea spoon).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Shares
Powered by Live Score & Live Score App
Descargar musica