Monday , 26 August 2019
Wararka Cusub
You are here: Home / Wararka (page 2)

Category Archives: Wararka

Feed Subscription

Ciidamada Amaanka oo joojiyay siminaar Xisbiga Wadajir uga socday hotelka Maka Al-Mukarama

Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay siminaar hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Asxaabta siyaasada dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhaw bartiisa Facebook uga hadlay dhacdadan ayaa ku eedeeyay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka soo baxay sida uu hadalka u dhigay amarka lagu joojiyay siminaarka.

‘’Waxaa amar ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya lagu xiray hotelka Maka Al-Mukarama oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ka socda siminaar sare loogu qaadayay Aqoonta iyo Wacyiga siyaasadeed ee Kaadiriinta Xisbiga Wadajir ‘’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu sheegay in wax laga xumaato tahay in ciidamada Booliiska oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada loo adeegsado sida uu hadalka u dhigay caburin iyo caga-jugleyn.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira warka ku saabsan is hortaaga siminaarka hotelka Maka Al-Mukarama Xisbiga Wadajir. 

QM oo xadiday joogitaanka shaqaaleheeda ee Muqdisho Somalia

Qaramada Midoobay ayaa xadiiday joogitaanka shaqaalaheeda ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalida, siday ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, arrintan ayaa sabab looga dhigay weerarkii hoobiyaasha ee kowdii January lagu qaaday xarunta QM ee Muqdisho, oo ku dhex-taalla xarunta Xalane, ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalaha QM.

Qaar ka mid ah shaqaalaha QM ee Muqdisho, oo qorshuhu ahaa in maanta ay u safraan Muqdisho, ayaga oo kasoo laabtay fasax sanadeedka cusub, ayaa loo sheegay inaysan tagin Muqdisho oo ay joogaan Nairobi.

Go’aanka QM ayaa la sheegay inuu saamaynayo kaliya shaqaalaheeda Muqdisho.

Ma cadda inta uu soconayo go’aanka kasoo baxay QM, waxaana uu kusoo aaday xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay QM iyo dowladda Somalia, kadib markii Somalia ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom

Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarkii Xalane ee lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Todobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kowdii Janaayo. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Dowladda Soomaaliya : Oo Sheegtay in Wakiilka Qaramada Midoobey dalka loogama baahna

Dowladda Soomaaliya oo u muuqata in ay deg deg uga jawaabeyso qoraal ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Ncholas Haysom dalka looga baahneyn

Qoraalka oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri in dowladda Soomaaliya ku wargalineyso xoghayaha guud ee QM in aan wadanka laga rabin, kana shaqeyn karin wakiilka Qaramada Nicholas Haysom.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa daba joogay warqad wakiilka xoghayaha guud ee QM uu uga codsaday dowladda in ay jawaab deg deg ah ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo gaar ahaan xarriggii Wadaadka Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay Miisaaniyada Dowladda ee sanadkan 2019ka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fadhiggoodii maanta ee xarunta Baarlamaanka waxaa ay goor dhaw ku meel mariyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019ka.

Xildhibaannada dood ka yeeshay Miisaaniyada ayaa ugu danbeyntii waxaa ogolaaday 174 mudane ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay Miisaaniyadda 55.8% (189.9  Milyan) ka filaysa Gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa  deeqaha dawladda la siiyo.

Meel Marinta Miisaaniyada ayaa horey wadnaha farta uga hayay Wasaarradda Maaliyada, iyadoo marar badan xildhibaannadu ka keeneen dood, mar marka qaar lagu kala qeysamayay. 

Saddex Askari iyo qof rayid ah oo lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Somaaliya

Wararka naga soo gaaraya gobolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof dumar ah oo ka tirsaneyd dadka degmada

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddexda Askari ee la dilay waqtigaa ku howlanaayeen Uruurinta canshuurta laga qaado ganacsatada degmada halka qofka kale ee dhintay aheyd qof dumar ah oo xaamillo ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha amniga degmada Afgooye iyo guud ahaanba maamulka gobolka, hasse ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdii dilka geystay goobta isaga baxsadeen.

Afgooye ayaa ka mid ah meelaha ugu darran oo ay ka dhacaan dilalka, qaraxyada iyo weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo si rasmi ah xilka ula wareegay Maanta

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Waxaa xilka ku wareejiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Miye oo ahaa ku-simaha Madaxweynaha tan iyo markii uu xilkaa iska casilay Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Wuxuu sheegay in maanta uu si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay xilka madaxweynaha Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ku soo baxay codad gaaraya 101 cod.

Kulanka xil wareejinta ayaa waxaa uu ka sheegay Madaxweynaha cusub ee  Koofurgalbeed Laftagareen in uu muhiimadda 1-aad uu siin doono Amniga  Guud ee deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa u muuqatay mid kooban marka loo eeg xilwareejinnada noocan oo kale ah oo lagu martiqaado mas’uuliyiin kala duwan.

Inkastoo uu maanta xilka la wareegay ayuusan weli ka hadal Madaxweyne  Lafta-Gareen mowqifkiisa ku aadan golaha ay ku mideysan yihiin madaxda  maamul goboleedyada Galmudug, Puntland,Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Maxey ka dhiggan tahay dib -u habeynta lagu sameeyay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka

Arrintan ayaa ugu yaraan u muuqata mid meesha ka saari karta khilaafkii ka dhashay kala diristii guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka uu ku sameeyay Guddigan oo loo arkay mid aan la jaan-qaadi karin hannaanka geedi socodka nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Dib u habeyntan ayaa waxaa sidoo kale ka dhax muuqda in Guddoomiyaha Golaha Shacabku Maxamed Mursal  ku qancay tallaabadii ay horay u qaadeen ku-xigeennadiisa, isaga oo meesha ka saaray xubno muhiim ah oo loo arkay in ay ahaayeen kuwii hor boodayay warbixintii uu guddigu soo saaray ee la xiriirtay Musuq-Maasuqa iyo Wax is-daba-marinta Maaliyadeed.

Shaqsiyaadka dibedda looga saaray Guddiga ayaa kala ah Cali Cabdi Cismaan oo ahaa guddoomiyihii Guddiga, Ku-xigeenkiisii Maxamed Aadan Macalin iyo xoghayihii Guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dhinaca kale ka mid ahaa xildhibaannadii ugu cadcadaa ee soo gudbiyay mooshikii kalsooni kala noqoshada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xilligan ku dadaallaya sidii uu u soo celin lahaa kalsoonidii Golaha Shacabka oo waayadii ugu danbeeyay uu soo kala dhax-galay kala shaki weyn oo siyaasadeed, sidoo kale waxaa ay tallaabadan isku soo dhaweyn kartaa isaga iyo labadiisa ku-xigeen oo kala irdhoobay tan iyo wixii ka danbeeyay go’aankii lagu kala diray guddiga Maaliyada,

Ma’aha oo kaliya guddigan in dib-u-habeyn lagu sameeyay oo kaliya, balse guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badanMiisaaniyadda 2019 u horkeenaan Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo.

Guddoomiye Mursal ayaa u muuqda in qeyb ahaa uu aqblay cadaadiskii ahaa in guddiga dhamaanba la kala diro madaama laga saaray xubnihii hormuudka u ahaa waliba guddoonkii sare ee guddiga lamana sheegin in guddiyo kale loo wareejiyay iyo in kale.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay dib u furmaan kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka oo aan leysugu iman tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo ifbaxay khilaafkii ka dhashay Mooshinkii laga keenay madaxweynaha.

Xildhibaanno mar kale oo eedeyn kulul u jeediyay madaxweynaha Somalia Farmaajo

Xlidhibaannadii dhawaan soo gudbiyay soo jeedintii ka dhanka ah aheyd madaxweynaha dowladda Soomaaliya, laakiin sheegay in ay  ka tanaasuleen soo jeedintoodii xil ka qaadista, ,ayaa mar kale eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen Odawaa oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in tan iyo markii la doortay uu mashquul ku ahaa sida uu hadalka u dhigay carqaladeynta maamul gobolleedyada dalka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiin Soomaaliyeed.

‘’Madaxweynaha hadda tallada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda uu hoggaamiyo oo ku dhaw dhaw Labo Sano waxaa uu mashquul ku ahaa weerarrada maamul gobolleedyada isaga oo ku bilaabay Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuu ku xijiyay Xaaf, ugu danbeyntiina Shariif Xassan Sheekh Aadan’’ ayuu yiri xildhibaan Odawaa oo ka mid ahaa xildhibaanno dhowr ah oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho’’

Eedeymaha sidoo kale xildhibaannada ay u jeediyeen madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa weerarro lagu qaaday siyaasiyiinta, sida C/raxmaan C/shakuur, weerarkii Cabdi Qeybdiid, sidoo kalana u gacan galiyay dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dowladda hadda jirtay ay soo kordhisay wax loogu yeero sida uu hadalka u dhiggay {Gar iyo Gardaro} oo xilka looga tuuray ayuu yri guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Waxaa kaloo eedeymaha ku jirtay kala diridii Guddiga Maaliyadda oo ay xuseen xildhibaannadu in aysan dhicin mid la mid ah illaa sanadkii 2000 oo la soo dhisay dowladdii Carte in la kala diro Guddi Baarlamaani ah, oo soo bandhigay warbixin musuq maasuq iyo lacago maqan, meeshii la filayay inay jawaab ka bixiyaan ay sababtay in ay kala diraan Guddiga Maaliyadda, lana soo saaro warqado sharci darro ah.

‘’Madaxweynuhu waxaa uu magaalada Baydhabo isaga oo adeegsanaya ciidamo shisheeye uu ka soo afduubay Mukhtaar Rooboow Abuu-Masuur oo aan ognahay in uu isaga laftirkiisa siiyay Basaboor Diblomasi ah, una diray magaalada Baydhabo ‘’ laakiin markii uu ka waayay danihiisa si qasab ah u soo xiray’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Odawaa.

Ugu danbeyntii xildhibaannada ayaa shirkooda Jaraa’id waxaa ay ku sheegeen in sababta ay mooshinka uga laabteen tahay in ay u tureen danta dalka iyo dadka, madaama uu garan waayay ayeey sheegeen madaxweynuhu in uu dalka badbaadiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in xildhibaannadii keenay soo jeedintii xil ka qaadista madaxweynaha ka tanaasuleen mooshinkii ay soo gudbiyeen, isaga oo uga mahad celiyay tanaasulka ay sameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Daah-furay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2020-2024

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shir lagu daah furayay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024 kaas oo gundhig u noqonaya horumarka la doonayo in dalku gaaro muddda shan sano gudahood ah.

Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in la diyaariyay hannaanka iyo qaab dhismeedka qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024, lana billaabayo la tashiyo lagala samaynayo mawaadiniinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida uga suganyihiin si qorshaha loogu saleeyo rabitaankooda.

Bulshada ayaa ka talo bixinaysa sida uu qorshuhu u ekaanayo, ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta dalka iyo muuqalka ay rabaan in dalku u ekaado si dawladda iyo hay’adaha kale ay ugu shaqeeyaan qorshaha laga sameeyo natiijada kasoo baxda xog iyo talo aruurinta bulshada Soomaaliyeed.

Qorshaha horumarinta qaranka ee maanta la daah furay oo noqonaya kii sagaalaad laga soo billaabo 1960-kii iyo sidoo kale qorshihii 2-aad tan iyo bur-burkii, ayaa bedelaya qorsha hadda jira ee 2017-2020.

Kenya Airways oo billowday duullimaad ay toos ugu tageyso Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa maanta billowday adeegga duullimaadka ee toos isugu xiraya magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, in kastoo horay ay dib ugu dhigtay howlgalkaas.
Go’aanka ay shirkaddan diyaaradeed ee ay leedahay dowladda Kenya ugu dhawaaqday adeeggan cusub ayaa astaan kale u ah sida ay Kenya kalsooni ugu sii yeelaneyso amniga hawada Soomaaliya.

Horraantii sannadkan ayey mas’uuliyiinta dowladda Kenya ugu dambeyn aqbaleen in dib loo billaabo duullimaadyada tooska ah ee u dhexeeya caasimadaha Kenya iyo Soomaaliya, ka dib markii ay wada hadal yeesheen labada madaxweyne ee kala ah Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Bale bishii la soo dhaafay, Kenya Airways ayaa si lama filaan ah dib ugu dhigtay daah furista duulimaadyada tagaya Muqdisho, iyadoo sheegtay iney xannibeen shuruudo aysan ka tallaabsan karin.

Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegayay in maamulka Muqdisho ay ku qanci waayeen markii loo sheegay in diyaaradda howlgalkaas billaabeysa aysan lahayn qeybta adeegyada khaaska ah leh.

Iyadoo ay xitaa taasi jirtayna, Kenya Airways ayaa hadda ku dhawaaqday in duullimaadyadeeda Muqdisho aadaya ay ahaan doonaan kuwo aan lahayn adeegyada khaaska ah ee loogu tala galay dadka aan rabin iney diyaaradda ka raacaan qeybta shacabka.

Shirkadda ayaa sidoo kale bixisay shati ay wada shaqeyn kula sameyneyso shirkad madax bannaan oo horayba u fulin jirtay duullimaadyada Nairobi iyo Muqdisho, taasoo lagu magacaabo ALS.

Shirkaddan madaxa bannaan ayaa bixin doonta diyaaradaha iyo shaqaalaha fulin doona duullimaadyada Kenya Airways ee Muqdisho.

Kumannaan qof oo Soomaali ah ayaa ku nool Kenya, in badan oo ka mid ahna waxay si joogto ah isaga kala gooshaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Waxaa sidoo kale jiray tartan sii kordhayay oo ay shirkadaha diyaaradaha ugu loollamayeen duullimaadyada Muqdisho, iyadoo dhawaan ay shirkadda Ethiopian Airlines billowday duulimaad toos ah oo isku xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Scroll To Top
Descargar musica