Monday , 22 July 2019
Wararka Cusub
You are here: Home / Wararka

Category Archives: Wararka

Feed Subscription

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo amar soo saaray

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay inay dowladda mamnuucday Qashin la sheegay in lagu shubi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Warqad ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa loo diray wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada,xafiisyada AMISOM iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa kalo lagu caddeeyay qoraalka in uu kordhay qashinka dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,isla markaana aan la aqbaleyn laga billaabo 1-da bisha soo socota ee July in qashin lagu shubo garoonka.
Waxyaabaha laga mamnuucay in lala galo madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka mid ah, haraadiga daawooyinka, agabyada gubtay iyo qashinka burta ah.

Xoghayaha Qaramada Midoobay oo diblumaasi Marekanka ah u magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Guterres ayaa u magacaabay James Swan oo ah diblumaasi Mareykan ah ergeygiisa gaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo beddeli  doona Nicholas Heysom oo dawladda Soomaaliya dalka erisay kaddib markii uu su’aallo ka keenay dad rayid ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo intii lagu jiray doorashadii maamulka Koonfurgalbeed.
James Swan oo 56 jir ah  ayaa xilalka uu horey usoo qabtay waxaa ka mid ah safiirka dowladda Marekanka ee u qaabilsan Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo iyo Jabuuti, waxaa kalo uu mar soo noqday kaaliye ku-xigeenka xoghayaha guud ee Marekanka u qaabilsan arrimaha Afrika , maamulkii Barak Obama.
Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsanan doona Soomaaliya , wuxuu bartay xiriirka caalamiga ah iyo cilmiga difaaca qaranka oo uu ka kala dhigtay jaamacadda Georgetown iyo National War College, wuxuuna noqonaya qofkii labaad ee Marekan ah xilkaas qabta, waxaa ka horreeyey Jonathan Howe sannadihii 1993-1994.
Guterres ayay ku qaadatay muddo lix bilood ah inuu ku soo magacaabo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ,iyadoo ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in sababta muddada dheer ay ugu qaadatay ay tahay in uu helo shakhsi ka soo jeedda dalalka awoodda diidmada qayaxan leh iyo in qofkaasi u leeyahay khibrad diblumaasiyadeed arrimaha Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, xulashada Antonio Guterres  ee diblumaasiga Marekanka James Sworn ayaa loo arkay inay u sahashay maaddama uu wax badan ka yaqaano arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika, isagoo mar soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya.

Madaxa sare ee Arrimaha Dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini oo booqasho ku tagtay Muqdisho

Madaxa sare ee arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mahad Cawad Ciise, iyadoo intaa kaddibna loo galbiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya halkaa oo ay kula kulantay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

“Waxa aan maanta kulan la qaatay Wakiilka Sare ee Arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini, waxaa aan ka wada hadalnay horumarka aan ka sameynay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019 ayuu yiri ra’iisul Wasaare kheyre.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah ururada ugu waaweyn beesha caalamka ee taageera Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sannadkii hore ansixiyey lacag dhan 116 milyan oo dollar oo ah lacag lagu taageerayo miisaaniyadda Soomaaliya, waxayna ahayd markii ugu horraysay ee taasi ay dhacdo 27 sano.

Midowga Yurub iyo dawladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay goor dhow soo wada saaraan war-murtiyeed ku saabsan safarkaasi iyo qodobada laga hadlay.

Xaalada Magaalada Muqdisho oo caawa kacsan iyo rasaas laga maqlayo waddada Makah-Al-Mukarama

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caaw ah mid kacsan kaddib qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay wadadda Maka Al-Mukaama oo lagu arko ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Marka laga soo tago weerarka Ismiidaamin ah oo lagu qaaday hotelka Maka- Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale qarax labaad laga maqlay meel aan ka fogeyn hotelka Naasa-Hablood ee KM4, inkastoo qaraxan danbe uusan wax saameyn ah yeelan.

Rasaas goos goos ah ayaa wali lagama maqlayaa agagaarka hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya shaki ay ciidamadu ka qabaan in ay jiraan maleeshiyaad ku dhuumaaleysanaya dhimayaasha ka agdhaw goobta uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa dumay uu bur buray dhismayaal ku yaala hareeraha waddada Laamiga ah, gaar ahaan agagaarka hotelka Maka Al-Mukarama oo loo maleynayo in ay ku hoos jiraan dad meyd ah, madaama waqtiga uu qaraxu dhacay goobtu aheyd mid aad u mashquul badan.

Waxaa goobta yaala  oo burburay gaadiid faro badan oo marka uu qaraxu dhacayay halkaa u taagnaa baaritaanno ay wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal qaraxyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Qaraxyada caawa ayaa imanaya xili maanta ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar uu sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al-shabaab. 

War Deg Deg ah : Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka nagasoo gaaraya EX koontorool Balcad ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi  qarax xxogan   jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka gobalka Banaarir waxaana dadka deegaanku ay u sheegeen dalsan in ay maqlayaan dhawaqa saraas culus.

Dadka ka ag dhow aaga qaraxu uu ka dhacay ayaa dalsan waxa ay u sheegeen sheegeen  in mar qura ay maqleen jug xooggan oo argagax gelisay,waxaana xigtay rasaas aan la ogeyn cidda ridaysa.

Dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaayay qaraxyo joog ah kuwaasi oo aysan dowladu xitaa ka hadlin

Kenya oo sheegtay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ka jooga Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaa.

Kenya ayaa sidoo kale u yeertay safiirka u jooga Muqdisho, Lt. Gen. Lucas Tumbo
 ,iyadoo go’aankan sabab looga dhigay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay xuduudda Badda ee Kenya.

Waxaa kalo xukuumadda Nairobi laga soo xigtay in dowladda Soomaaliya ay tartan gelisay Bad ay leedahay Kenya si shidaal looga baaro Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya,Macharia Kamau   ayaa sheegay Soomaaliya si taxadar la’aan ah inay isaga indho tirtay xeerarka caalamku aqoonsan yahay ee muranka xuduudaha, iyo sidoo kale khilaafaadka siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed,sida ay baahisay warbaahinta Kenya.
Labada dal waxaa muddo u dhaxeeyay muran dhinaca badda ah,iyadoo dacwad ay gudbisay dowladda Soomaaliya ay taallo maxkamadda caalamiga ah,balse xiriirka labada dal wuxuu ahaa mid wanagsan.
Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan nabad ilaalin ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ma jirto ilaa hadda war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay go’aanka dowladda Kenya oo ku soo aadday xilli toddobaadyo ka hor magaalada London ay ku soo bandhigtay dowladda Soomaaliya sahan shidaal baarista ah oo badda laga sameeyay.

Beesha Mukhtar Robow oo dacwad ka dhan ah MW. Farmajo ka furay New York (Akhriso)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in odayaasha beesha uu kasoo jeedo Mukhtaar Roobow ay diideen lacag xaal-marin ah oo ka timid MW. Farmaajo.

Lacagtan oo sida la sheegay dhowr milyan oo dollar ah, ayaa isugu jirta magta dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Baydhaba, baanta dadka dhaawaca ah iyo xaal-marinta qaladadkii ay sameeyeen ciidamada dowladda.

Sida aan xogta ku helnay, lacagtan ayaa waxaa beesha usoo bandhigay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo Baydhaba ka wada dadaallo la isugu soo dhoweynayo dowladda iyo beesha Roobow, isaga oo ka wakiil ah MW. Farmaajo oo cabsi weyn ka qaba dacwad dhawaan laga gudbin doono sida uu xaqiijiyay Cabduldalqadir Mursal oo ka mid dadka gudbinaya dacwadda.

Ka sokow lacagta, Mursal ayaa sidoo kale odayaasha u ballan-qaaday in Mukhtaar Roobow lasii dayn doono.

Si katsaba, beesha Roobow ayaa la sheegay inay ku gacan seertay yabooha Mursal, kuna adkeysatay in marka hore lasii daayo Roobow, kadibna wixii dhacay ay kala hadli doonaan xukuumadda.

Aqoonyahanno ka soo jeeda beesha Digil & Mirifle ayaa lagu wadaa in ay dhawaan dacwad ka dhan ah MW. Farmaajo aay u gudbiyaan maxkamad ku taal gobolka New York oo degaan u ah MW. Farmaajo waxaana lagu soo eedeynayaa ku xadgudib xuquuqul insaan iyo dilka shacab si nabad ah u mudaaharaadayay.

Qurba joogta Beesha uu ka soo jeedo Muktaar Roobow ayaa iska aruuriyay adduun dhan $1 Milyan & bar oo loogu talo galay qarashka ku baxaya qareenada gudbinaya dacwada ka dhanka ah MW. Farmaajo.

Dagaal culus oo dhaxmaray ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu dagaal xooggan  uu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogagga Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhaw tuulada Deynuunaay oo u dhaxeysa Baydhabo iyo degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay, kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada Ethiopia ah oo ku sii jeeday dhinaca Baydhabo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalka oo leysku adeegsaday hub culus uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalanka waxaa ay sheegeen in ay ku dileen dagaalka 53 Askari, laakiin ma jiraan ilo madax-bannaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada AMISOM qeybtooda Koonfur galbeed oo ka hadlayay dagaalkan dhaxmaray ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab.

Ciidamo ka tirsan Dawladda Kenya oo gubay xarun ay Leheed Shirkadda Hormuud ku lahayd J/hoose

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Kenya, gaar ahaan kuwa la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan (Anti-Terror) ayaa lagu soo waramayaa in ay gubeen xarun ay shirkadda Hormuud ku lahayd deegaanka Cali-Buuleey oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose.
 
Ciidamadan oo la sheegay in usoo talaabeen xadka dhanka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay Miinooyin ku xireen xaruntii Shirkadda ay ku lahayd tuuladaasi oo ku taal nawaaxiga soohdinta labada dalka, kadibna ay qarxiyeen, waxaana halkaasi ku burburiyay Anteenooyinkii shirkadda iyo qalabkii yaallay xarunta.
 
Saraakiil ka tirsan howlwadeennada shirkadda Hormuud ayaa HOL u sheegay in sidoo kale ay ciidamadu jir-dileen laba kamid ah shaqaalaha shirkadda oo ku sugnaa xarunta.

Isgaarsiintii shirkadda Hormuud ee deegaannada Cali-Buuleey, Diif, Dhuyac-garoon iyo Girileey ayaa hawada ka maqan, ayadoo dadka ku dhaqaan deegaanadaasi ay saameysay arintan, maadaama ay bulshadu ku xiriirto islamarkaana aad u isticmaasho adeegga EVC ee lacagaha la isugu xawilo.

 
Bishii August ee sanadkan ayay ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada Kenya u burburiyeen isla xaruntan.
Sidoo kale ciidamada Kenya ayaa hore u burburiyay xarumo dhowr ah oo ay shirkaddu ku lahayd deegaannada Ceel-baande, Dhamase, Khadiijo Xaaji, Dhegalaab iyo deegaana Dhuuntoow oo ka kala tirsan gobollada J/hoose iyo Gedo.
Lama garanayo sababta ay ciidamada Kenya u beegsanayaan xarumaha shirkadda Hormuud, waxaana saraakiil ka tirsan shirkadda oo aan weeydiinnay ay sheegeen in aysan ogeyn ujeedada ka danbeeyso arimahan, waxayna walaac ka muujiyeen ololahan ay ciidamadan Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadda ee ku yaal gobollada soohdinta ku yaal ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli wax tallaabo ah kama qaadin arrintan, mana jirto cid ciidamada Kenya kula xisaabtameeysa xad gudubyada ay ka geeysanayaan gudaha dalka.

Ciidamada Amaanka oo joojiyay siminaar Xisbiga Wadajir uga socday hotelka Maka Al-Mukarama

Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay siminaar hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Asxaabta siyaasada dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhaw bartiisa Facebook uga hadlay dhacdadan ayaa ku eedeeyay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka soo baxay sida uu hadalka u dhigay amarka lagu joojiyay siminaarka.

‘’Waxaa amar ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya lagu xiray hotelka Maka Al-Mukarama oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ka socda siminaar sare loogu qaadayay Aqoonta iyo Wacyiga siyaasadeed ee Kaadiriinta Xisbiga Wadajir ‘’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu sheegay in wax laga xumaato tahay in ciidamada Booliiska oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada loo adeegsado sida uu hadalka u dhigay caburin iyo caga-jugleyn.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira warka ku saabsan is hortaaga siminaarka hotelka Maka Al-Mukarama Xisbiga Wadajir. 

Scroll To Top
Descargar musica