Wednesday , 23 October 2019
Wararka Cusub
You are here: Home / Sports

Category Archives: Sports

Feed Subscription

Ut wisi luctus ullamcorper. Et ullamcorper sollicitudin elit odio consequat mauris, wisi velit tortor semper vel feugiat dui, ultricies lacus. Congue mattis luctus, quam orci mi semper

Manchester United iyo Chelsea oo ku kala bixi doona wareegga 5-aad ee FA Cup-ka

Kooxda Chelsea ee difaacaneysa koobka FA Cup-ka ee dalka Ingiriiska ayaa marti galin doonta kooxda Manchester United oo horay koobkan ugu guuleysatay 12 jeer.

Labadan kooxood oo uu sannadkan xifaaltan gaar ah ka dhexeeyo marka laga hadlayo FA Cup ayaa isku arkay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee dhacday sannadkii hore.

Inkastoo ay Chelsea kulankaas ku hanatay koobka, waxa ay hadda u muuqataa sidii in ay ciyaartaas ku celis tahay, maadaama ay labada kooxood midkood go’aan ka gaari karto in kooxda ka soo horjeedda aysan gaarin ilaa Fiinaalka.

Taasi micnaheeda waa in ciyaarta dhex mari doonta Chelsea iyo Manchester United ay tahay mid kama dambeys ah isla markaana aysan dhaceynin in labadan kooxood ay sidii sannadkii hore fiinaalka u wada gaaraan.

  • Manchester United oo garaacday Leicester City
  • Chelsea oo ka adkaatay Southampton
  • Manchester United oo fasaxaysa Ibrahimovic

Dhinaca kale, haddii aynu eegno isku aadka kooxaha kale ee ku jira tartankan, kooxda ka ciyaarta horyaalka League Two-ga ee Newport County ayaa fursad u heysata iney marti galiso kooxda Manchester City ee heysata horyaalka Premier League.

Laakiin waa haddii Newport County ay kusoo adkaato ciyaarta ku celiska ah ee ay la yeelan doonto kooxda Middlesbrough.

Naadiga Doncaster Rovers oo ka tirsan horyaalka League One-ka ayaa rajeyneysa iney ka soo baxdo kooxda Crystal Palace oo ay isku soo aadeen.

Kulamada wareegga 5-aad ayaa dhici doona inta u dhaxeysa 15-ka ilaa 18-ka bisha Febraayo.

Isku aadka wareegga 5-aad oo dhammeystiran:

Bristol City waxay ka hor tagi doontaa mid ka mid ah labada kooxood ee kala ah Shrewsbury Town iyo Wolverhampton Wanderers

AFC Wimbledon waxay la ciyaari doontaa Millwall

Doncaster Rovers waxaa garoonkeeda ugu imaaneysa Crystal Palace

Manchester City waxay marti u noqon doontaa mid ka mid ah labada kooxood ee kala ah Middlesbrough iyo Newport County

Chelsea waxay foodda dari doontaa Manchester United

Swansea ayaa ka dhur sugeysa kooxdii soo adkaata kulanka dhex mari doona Barnet iyo Brentford

Watford waxay u safri doontaa Portsmouth ama Queens Park Rangers midkood.

Kooxda Derby County ayaa iyadana ka hor tageysa middii soo baxda labada kooxood ee kala ah Brighton & Hove Albion iyo West Bromwich Albion.

Manchester United vs Cardif City

https://www.youtube.com/watch?v=BAhuSs2d6pQ

Manchester City vs Manchester United

Manchester City vs Manchester United

Sabtida Bishu ay tahay 07/04/18 Garoonka Manchester City waxa ka dhacay ciyaar aad iyo aad ukulul oo muddo dheer ay isugaayeen labada koox Manchester City iyo Manchester United. Ciyaartaas oo ku dhamaatay Manchester United 3 – 2 Manchester City.

 

chelsea vs tottenham

chelsea vs tottenham

Koxda Chelsea oo gurigeeda lagu garaacay 3-1 is la marka ayado ka baxday Champion League sanadka soo socda, waxaa si xun u garaacay kooxda Tottenham Chelsea waxay ku niyad dheereed in ciyartas ay ka badiso kooxda Tottenham lakinse nasiib daro waa laga badiyay.

Manchester United iyo Swansea 2-0

Manchester United 2-0 Swansea

Manchester United oo maanta si qiyaas daran ay ka badisay kooxda Swansea, maanta bishu ay tahay 31-03-2018 garoonka Manchester United ee Old Trafford waxaa ciyaar aad iyo aad u kulul dhex maray labadan kooxood.

Manchester United haafka hore ay ka naxisay kooxda Swansea 2 gool oo ka dhaliyay ciyaar yahanka Lukaku iyo Sanchez.

Laakinse haafka dambe kooxda Livepool si wanaagsan ay u ciyaaren waxay keeneen gool oo si khalad is ka dhaliyay ciyaar yahanka Manchester United, ciyaarta waxay ku dhamatay 2 – 0

Kooxda Manchester United iyo Kooxda Swansea oo ku dhamaatay 2-0

Kooxda Manchester United Maanta bishu tahay 31/03/18 waxay si wanaagsan ay u garaacday Kooxda Swansea, ayadoo lagu ciyaaraayay kooxda Yeovil gurigeeda.

Ciyyartu aad aad bay u dkeed ee labada dhinac inkastoo haafka hore ay ku dhamaatay 1 iyo 0, laakinse haafka dambe Kooxda Manchester United si wanaagsan ay ciyaartay taas oo keeneen 2 gool. Oo dhaliyay goolka lowaad Lukaku iyo goolka labaad waxaa dhaliyay Sanchez. Ciyaartu waxay ku dhamaatay 2 – 0

 

Manchester United waxay iibsadeen ciyaar yahanka Arsenal

Kooxda Manchester United

Waxaa ku soo biiray ama iibsadeen bishan January Ciyaar Yahanka Arsenal oo ciyaari jiray waxaa iibsaday Kooxda Manchester Unted. Alexis Sanchez waa ciyaar yahan oo caan ku ah gool dalista wuxuu ka ciyaari doonaa dhincayaha garoonka asagoo sita fulaanad nambar 7.

Laga yaabo inuu la qabsan doono ciyaartooda Manchester United oo laga yaabo in uu bilaabi doono weega dambe waxan u rajeyneena in uu ku guuleesto ciyaartiisa.

 

 

Manchester United 4-1 Newcastle oo si adag loo graacay ciyaaraha Premier League ee ingriiska

Sabtida, November, 18, 2017  – Cayaartan oo aheyd mid siweyn loo wadda sugayay ayeey Manchester United xaqiiqsatay guusha premier League lugtii ugu danbeysay kaddib markii 4-1 ay ku garaacday kooxda kubadda cagta ee Newcastle.

Cayaaryahanka Bogba ayaa ku soo noqday manchester United marka uu ka maqnaa ciyaaraha manchester united

ku dhowaad laba bilood waxuu garoonka Old Taford ow ku dhigay ciyaar aad aad halis ah.

Ugu danbayn Cayaarta ayaa ku dhamaatay 4-1 ay manchester united ku dubatay Newcastle isla markaana ay taariikh cusub ugu abuurtay kooxaha Ingriiska iyada oo noqotay kooxdii ugu horaysay ee difaacatay koobka Premier league intii qaabka hadda yahay loo dhigay horaantii sagaashamaadkii.

Diiditaankii De Gea oo caqabad ku noqon kara in Morata uu ku biro Manchester United

DUnited ayaa siku dayeysa lasoo wareegitaanka weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata-kaasoo ah bartilmaameedka koowaad ee Jose Mourinho, Halka Real Madrid ay dooneyso in xidigaan aysan ku iibin wax aan ka yareen £60million. Wargeysyada kazoo baxa Spain ayaa maanta daabacay in Morata uu madaxda Real u sheegay inuu doonayo inuu baxo maadaama uusan boos joogto ah […]

Marco Verratti oo doonaya Real Madrid halkii uu Barcelona ku biiri lahaa

Wararka ka’imaanaya Spain iyo Faransiiska ayaa sheegaya in xidiga reer Italy ee qadka dhexe uga ciyaara PSG Marco Verratti uu doorbidayo ku biirista Real Madrid halkii uu Barcelona ku biiri lahaa. Barcelona iyo Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayaa xidiga PSG, kaasoo ay u badantahay inuu xagaagan isaga soo hayaamo Horyaalka Faransiiska. Verratti ayaa […]

 

  • S
Scroll To Top
Descargar musica