Saturday , 15 December 2018
Wararka Cusub
You are here: Home / Baraawe

Baraawe

Reer-Baraawe

Reer Baraawe waxay degaan Magaalada Baraawe ee dalka Somaaliya dhinaca koonfur,

Dadkani waxay deegaan magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxeena ku hadlaan luqad u gooni ah oo la dhoho Af-Baraawani ama (chimini ama chimbalazi), waa lahjad u dhow af-sawaaxiliga . Reer baraawe sidoo kale waxay ku hadlaan Af-tunni iyo af-maxaatiri. Dadka reer baraawe waa dad ganacsato ah, waxayna caan ku yihiin kaluumeesiga. waxyaabaha aad loogu yaqaano reer Baraawe waxaa ka mid ah cuntada macmacaanka ah, sida (Caano baraawe) oo soomaalida aad u xiiseeso, waa macmacaan laga sameeyo caano la karkariyay oo sunkor lagu daray iyo waxyaabo kale, kalarkiisa waxuu noqonaa gaduud, waxaa loo sameeyaa sida xalwada oo kale. Dhinaca musikada khatar ee ku yihiin, laakiin badanaa waxee ku heesaan heesaha af-baraawe, waa sida heesaha xamariga oo kale, wee ka duwanyihiin heeso dhaqameedka.

Af-Baraawe

Af-Baraawe waa luqad looga hadlo magaalada Baraawe iyo meelaha u dhow ee gobolka Shabeelaha Hoose. Luqadaan waa lahjo ka mid ah Afka sawaaxiliga. Af baraawe waxaa ku hadlo Reer baraawe, oo ayaga neh yaqaaniin afka soomaaliga.Afka baraawe sida oo ku imaaday lama yaqaano, dad waxee leeyihiin waxoo ka imaaday bortuqiiskii weeraray magaalada baraawe, dad neh waxee leeyihiin carabtii qabsatay xeebaha gobolka banaadir.

Dad badani waxay u maleeyaan afka reer Baraawe inuu yahay lahjad ka mid ah af-Soomaaliga balse sidaa maaha ,afka reer Baraawe ku hadlaan waa qayb ka mid ah af-Sawaaxiliga waxaana la yidhaahdaa Jimwiini(Chimwiini) waxaana si fiican u fahmi kara qofka yaqaana af-Sawaaxiliga ,Haddii afkani yahay lahjad ka mid ah lahjaddaha af-Soomaaliga markii laysku raacay inuu af-Soomaaligu ka kooban yahay laba lahjaddood(Maay +Maxaa tidhi/tiri =Afsoomaali) ayaa laga dhigi lahaa saddex lahjaddood waayo markaaba reer Baraawe way ku hadli jireen.

Comments are closed.

Scroll To Top
Shares
Powered by Live Score & Live Score App
Descargar musica