Wednesday , 26 June 2019
Wararka Cusub
You are here: Home / Author Archives: baravanews (page 4)

Author Archives: baravanews

Feed Subscription

Wasiirka Amniga iyo Maamulka Gobolka oo ka wada hadlay xoojinta Nabadgelyada Muqdisho

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka, Taliyeyaasha ciidanka booliska iyo Guddiga abaabulka wacyigelinta Qaran, kaasi oo looga hadlay xoojinta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa goobta lagu soo bandhigay 3,000 saddex kun oo askari, kuwaasi oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan Nabadgelyada Degmooyinka, isla markaana lagu soo kordhiyay Degmooyinka, si ay u xaqiijiyaan amniga caasimadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka  Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in wadashaqeyn la’aanta ay tahay tan ugu badan ee dhibaatada ka soo gaarto shacabka, isla markaana aan loo dulqaadan doonin in markale ay dhacdo wada shaqeyn la’aan dhex marta Maamulada degmooyinka iyo taliyeesha saldhigyada booliska.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng, Yariisow) ayaa kula dar daarmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo taliyeyaasha saldhigyada booliska inay xoojiyaan la shaqeynta Guddoomiyeyaasha Waaxyaha ilaa iyo heer tabeelle ee Degmooyinka, si loo xaqiijiyo amniga caasimadda.

Wasiirka Amniga ee Xumuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in mas’uul kasto lagula xisaabta tami doona shaqadiisa ee dhanka ammaanka magaalada, isla markaana aan cidna lagala gorgortami doonin sugidda Nabadgelyada.

 

Ciidamo talyaani ah oo Muqdisho Qarax Lagu la eegtay Maanta

Ciidamo talyaani ah oo Muqdisho Qarax Lagu la eegtay Maanta

Baarlamaanka Soomaaliya oo walaac ka muujiyay amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somaaliya

Golaha wakiilada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulanka labaad ee kalfadhiga afaraad ayaa  dood kulul ka yeeshay xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan tan dalka.
Kulanka oo ay ka goob-joog ahaayeen 168-Xildhibaan waxa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka ,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo ay hareer fadhiyeen guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad.
Sidoo kale, waxaa kulanka ku sugnaa wasiirka amniga qaranka ,Maxamed Abuukar Islow oo gudanayay waajibaadkiisa xildhibaanimo, waxaana dhagihiisa ku dhacayay eedeymaha ay xildhibaannada u jeediyeen xukuumadda.
Hadalka jeedinta xildhibaannada ayaa inta badan waxaa ay ku soo bandhigeen sida aysan ugu kalsooneyn amniga Muqdisho,iyagoo xata sheegay inay ka cabsadaan ciidammada amniga.
“Amniga dalka faraha ayuu ka baxay, ra’iisul wasaaraha waxa uu ka dhammaan la’yahay handadaad uu ku hayo madaxda maamul gobolleedyada waana ku hungownay kalsoonidii aan siinay, Dawladda waxa ay ku soo aruurtay wax qabadkeedu Facebook iyo Twiter. Fadlan Raysalwasaare is casil waad fashilantay, handadaad dad laguna xukumo.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ganey.
Guddoomiyaha Baarlamaanka,Maxamed Mursal  ayaa markii ay dhammaatey dooda xildhibaannada, wuxuu sheegay in kulanka berri lugu sii amba-qaadayo ka doodista amniga ,marka oo ay hadal jeedin doonan xildhibaannada aan maanta qeybta ka ahayn hadal jeedinta.

Gen Caanood oo beeniyay in uu hub iyo ciidan la goostay

Abaanduulihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo uu dhawaan madaxweyne Farmaajo xilkii ka qaaday ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxay oo sheegaya in uu la goostay gadiid dagaal iyo ciidan.

Wuxuu sheegay in hadda isaga iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed howlgal ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelllaha dhexe, gaar ahaan wuxuu intaa ku daray in dagaal uu ku dhaxmaray ciidamada uu hogaaminayo iyo Al-shabaab degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Mar wax laga weydiiyay wax ka jira in uu ka carooday xil ka qaadistii uu dhawaan ku sameeyay madaxweyne Farmaajo ayuu yiri ‘’ “waxaasi waxba kama jiraan, waa wixii Soomaali ku hoogtay oo ku ba’day, ilaahna naguma jirrabo”, hadalkaas oo uu ula jeeday inuusan diyaar u ahayn dagaal jabhadayn ah.

Jen Caanood ayaa intaa ku daray in uu xilka ku wareejin doonto taliyaha cusub marka uu soo dhamaado howlgalka uu hadda u joogo gobolka Shabeellaha hoose.

Warka ku saabsan in Abaanduuluhu la goostay gadiid dagaal iyo ciidamo ayaa soo baxay kadib markii laga war-helay in isago ku dhawaad 40 gadiidka dagaalka ah oo Al-shabaab ay jidgooyo u dhigteen deegaan aan wax badan ka fogeyn degmada Shalanbood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Sedex qof oo ku dhimatay goob dhagaxa laga soo saaro oo ku taal Magaalada Kismaayo

Goobtan oo loo yaqaan Dhagax-jabinta, dhanka waqooyina kaga beegan Kismaayo ayaa waxaa maanta ku dhintay ilaa sedex kamid ah shaqaale halkaasi dhagax ka soo saarayay kadib markii ay kusoo duntay buur dhagax ah.

 
Buurahan laga qodo dhagaxa loo isticmaalo dhisamayaasha magaalada Kismaayo ayaa marka aad booqato waxaad arkeeysaa buuro waaweyn oo ay hoos ka qodeen shaqaale dhagax kala soo baxaya, kuwaasoo aad dareemeeyso qatar in ay ku shaqeeyaan.
 
Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland ayaa gaaray goobta, waxaana soconaya dadaallo lagu soo saarayo dadka ay buurtu kusoo duntay.
 
Qaar kamid ah shaqaalaha oo ay warbaahintu weeydiisay waxa ku kalifaya in qatartan ay ku shaqeeyaan ayay sheegeen in ay ka biishaan qoysaskooda, islamarkaana aysan heysan shaqo tan u dhaanta, ayagoo xusay in la heli karo qalab casri ah oo dhagaxa lagu soo saaro balse aysan awoodin.
 

Horaantii bishii Jannaayo ee sanaddii 2014 ayay ahayd markii buur laga qodo carro Kaawada oo aah ka fogeyn halka uu shilku ka dhacay ay kusoo duntay shaqaale ka shaqeynayay, halkaa oo ay ku dhinteen ilaa 7 qof.

Dagaal beeleed dhimasho sababay oo ka dhacay dulleedka magaalada Kismaayo ee Somaaliya

Warar ka imanaya Jubbaada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya labo beelood uu ka dhacay deegaan Galbeed ka xiga magalada Kismaayo sida ay sheegeen wax-garadka deegaanka.

Tiro ka badan Afar ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhiteen in kastoo wararka qaar tirada dhimashada gaaar-siinayaan ku dhawaad 10 ruux, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay Ugaas Xassan Sheekh Ibraahim oo ka mid ah wax-garadka Jubbooyinka.

Dagaal ayaa salka ku haya dhul daaq-simeed la doonayo in loo badalo deegaan, taasoo mid ka mid ah labada beellood ee dagaalamaya ka soo horjeesteen.

Horay waxaa jirtay in labada beellood heshiis ku kala saxiixdeen, hasse ahaatee dagaaalkan danbe ee maanta dhacay ayuu sheegay Ugaas Xassan in ay soo qaadeen beesha kale oo sida uu hadalka u dhigay iyagu ka baxay heshiiska.

Goobta lagu dagaalamayo oo ah dhul baadiye ah ayaa lagu waramayaa in markii danbe ay gaareen ciidamada maamul gobolleedka Jubbaland oo kala dhax-galay labada beellood.

Dowladda oo shaacisay khasaraha Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar oo war-fidiyeenka kula hadlay goobta uu Qaraxa ka dhacay caawa oo lagu magacaabo Baar Somalia ayaa sheegay in ay ku dhinteen Afar ruux oo mid ka mid ah uu yahay carruur, halka tiro ka badan 7 ruux ay ku dhaawacmeen.

Baarkan oo dhawaan la furay ayaa dhabarka danbe dhinaca laamiga ka xiga Shaleemo Soomaaliya, wuxuu-n ahaa Baar habeenkii dadku kulmaan oo siweyn loo camiro islamarkaana dhawaan la furay.

Gaariga ayaa la sheegay marka uu qarxayay in uu ku sii socday dhinaca waddada aada Dabka, hasse ahaatee markii uu marayay afafka hore ee baarka uu mar kaliya Qarxay.

Goobta waxaa gaaray saraakiisha ciidamada Booliiska oo wada baaritaanno la xiriira Qaraxa iyo halka uu ka yimid madaama xiliyada habeenkii gadiidka isticmaala waddada Maka Al-mukarama siweyn loo baaro.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska oo lagu dilay Muqdisho

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen dad ay qaraabo yihiin.

Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Maalin rag hubeysan la sheegay in ay ku dileen qeybta khudaarta lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho, waxaana markiiba goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Ma jirto cid sheegatay dilka sarkaalkan ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, hasse ahaatee Al-shabaab ayaa marar badan oo hore sheegtay mas’uuliyada dilal noocan oo kale ah oo ka dhacay Muqdisho.

Subax-nimadii hore ee saakay ayeey aheyd markii Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda uu ku dhintay qarax lagu soo xiray gaari yar oo ay la socdeen isaga iyo ciidamo kale degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsanaa Nabad-Sugida Soomaaliya oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee Somaaliya

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa galinkii danbe ee maanta degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha ku toogtay sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay in uu horay taliye uga soo noqday nabad-sugida degmada Waabari, iyadoo ay goobta ka baxsadeen raggii toogashada geystay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markiiba tagay goobta uu falku ka dhacay hasse ahaatee ma jirin dad loo qabtay toogashada sarkaalkan.

Dhacdadan ayaa imaneysa xili madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in leysku furo dariiqyada Muqdisho oo intooda badan laga qaaday ciidamadii horay ugu sugnaa.

Faah faahin ku saabsan Qarax gaari lagu soo xiray oo saakay ka dhacay Muqdisho ee somaaliya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lagu soo xiray gaari yar oo kuwa raaxada kaa oo ku qarxay xili uu marayay degmada Boondheere maal aan wax badan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga.

Dadka gaarigan la socday ayaa la sheegay in ay ahaayeen Dad isku Qoys ah, Wiil Gabar ay Walaalo ahaayeen iyo waliba Hooyadood.

Wararku waxaa ay sheegayaan in goobta uu ku geeriyooday Wiilka oo gaariga waday halka sidoo kale ay dhaawacmeen Hooyadii iyo Gabadha la dhalatay oo ay gaariga wada saarnaayeen, waxaan sidoo kale dhaawacmay qof kale oo goobta ka agdhawaa.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta loo bartilmaameesaday dadkan la socday gaariga mana jirto ilaa iyo hadda cida sheegatay mas’uuliyada weeraran qaraxa loo adeegsaday.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn loo xoojiyay amniga magaalada Muqdisho Isgoys walba-na waxaad ku arkeysaa ciidamo baritaano ku hayay gaadiid dadweynaha, laakiin haddana dhinaca kale waxaa muuqata in wali qarax-yada iyo dilalku yihiin kuwo sii socda.

Scroll To Top
Descargar musica