Monday , 26 August 2019
Wararka Cusub
You are here: Home / Author Archives: baravanews (page 2)

Author Archives: baravanews

Feed Subscription

Ciidamo ka tirsan Dawladda Kenya oo gubay xarun ay Leheed Shirkadda Hormuud ku lahayd J/hoose

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Kenya, gaar ahaan kuwa la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan (Anti-Terror) ayaa lagu soo waramayaa in ay gubeen xarun ay shirkadda Hormuud ku lahayd deegaanka Cali-Buuleey oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose.
 
Ciidamadan oo la sheegay in usoo talaabeen xadka dhanka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay Miinooyin ku xireen xaruntii Shirkadda ay ku lahayd tuuladaasi oo ku taal nawaaxiga soohdinta labada dalka, kadibna ay qarxiyeen, waxaana halkaasi ku burburiyay Anteenooyinkii shirkadda iyo qalabkii yaallay xarunta.
 
Saraakiil ka tirsan howlwadeennada shirkadda Hormuud ayaa HOL u sheegay in sidoo kale ay ciidamadu jir-dileen laba kamid ah shaqaalaha shirkadda oo ku sugnaa xarunta.

Isgaarsiintii shirkadda Hormuud ee deegaannada Cali-Buuleey, Diif, Dhuyac-garoon iyo Girileey ayaa hawada ka maqan, ayadoo dadka ku dhaqaan deegaanadaasi ay saameysay arintan, maadaama ay bulshadu ku xiriirto islamarkaana aad u isticmaasho adeegga EVC ee lacagaha la isugu xawilo.

 
Bishii August ee sanadkan ayay ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada Kenya u burburiyeen isla xaruntan.
Sidoo kale ciidamada Kenya ayaa hore u burburiyay xarumo dhowr ah oo ay shirkaddu ku lahayd deegaannada Ceel-baande, Dhamase, Khadiijo Xaaji, Dhegalaab iyo deegaana Dhuuntoow oo ka kala tirsan gobollada J/hoose iyo Gedo.
Lama garanayo sababta ay ciidamada Kenya u beegsanayaan xarumaha shirkadda Hormuud, waxaana saraakiil ka tirsan shirkadda oo aan weeydiinnay ay sheegeen in aysan ogeyn ujeedada ka danbeeyso arimahan, waxayna walaac ka muujiyeen ololahan ay ciidamadan Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadda ee ku yaal gobollada soohdinta ku yaal ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli wax tallaabo ah kama qaadin arrintan, mana jirto cid ciidamada Kenya kula xisaabtameeysa xad gudubyada ay ka geeysanayaan gudaha dalka.

Ciidamada Amaanka oo joojiyay siminaar Xisbiga Wadajir uga socday hotelka Maka Al-Mukarama

Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay siminaar hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Asxaabta siyaasada dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhaw bartiisa Facebook uga hadlay dhacdadan ayaa ku eedeeyay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka soo baxay sida uu hadalka u dhigay amarka lagu joojiyay siminaarka.

‘’Waxaa amar ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya lagu xiray hotelka Maka Al-Mukarama oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ka socda siminaar sare loogu qaadayay Aqoonta iyo Wacyiga siyaasadeed ee Kaadiriinta Xisbiga Wadajir ‘’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu sheegay in wax laga xumaato tahay in ciidamada Booliiska oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada loo adeegsado sida uu hadalka u dhigay caburin iyo caga-jugleyn.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira warka ku saabsan is hortaaga siminaarka hotelka Maka Al-Mukarama Xisbiga Wadajir. 

QM oo xadiday joogitaanka shaqaaleheeda ee Muqdisho Somalia

Qaramada Midoobay ayaa xadiiday joogitaanka shaqaalaheeda ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalida, siday ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, arrintan ayaa sabab looga dhigay weerarkii hoobiyaasha ee kowdii January lagu qaaday xarunta QM ee Muqdisho, oo ku dhex-taalla xarunta Xalane, ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalaha QM.

Qaar ka mid ah shaqaalaha QM ee Muqdisho, oo qorshuhu ahaa in maanta ay u safraan Muqdisho, ayaga oo kasoo laabtay fasax sanadeedka cusub, ayaa loo sheegay inaysan tagin Muqdisho oo ay joogaan Nairobi.

Go’aanka QM ayaa la sheegay inuu saamaynayo kaliya shaqaalaheeda Muqdisho.

Ma cadda inta uu soconayo go’aanka kasoo baxay QM, waxaana uu kusoo aaday xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay QM iyo dowladda Somalia, kadib markii Somalia ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom

Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarkii Xalane ee lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Todobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kowdii Janaayo. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Newcastle vs Manchester United 0 -2

Maanta oo Arbaco ah 02/01/19 waxa ciyaar aad iyo aad u adag waxaa ciyaaray Newcastle iyo Manchester United. Ciyaartu waxay aheed ciyaar kulul oo dhex maray labada koox, waxay ciyaartu ku dhamaatay 2 goal iyo 0 goal.

Hadaba goolasha Manchester United goolka kowad waxa dhaliyay Lukaku minute ciyartu ka dib, ama 2 labada gool dambe waxa dhaliyay ciyaryahanka Rushford. 

Ciyartu waxay ku dhamatay 2 – 0

Dowladda Soomaaliya : Oo Sheegtay in Wakiilka Qaramada Midoobey dalka loogama baahna

Dowladda Soomaaliya oo u muuqata in ay deg deg uga jawaabeyso qoraal ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Ncholas Haysom dalka looga baahneyn

Qoraalka oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri in dowladda Soomaaliya ku wargalineyso xoghayaha guud ee QM in aan wadanka laga rabin, kana shaqeyn karin wakiilka Qaramada Nicholas Haysom.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa daba joogay warqad wakiilka xoghayaha guud ee QM uu uga codsaday dowladda in ay jawaab deg deg ah ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo gaar ahaan xarriggii Wadaadka Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

 

Manchester United vs Bournemouth | Old Trafford | Premier League

Manchester United waxay ka badisay Bournmouth 4 goal 1 goal

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay Miisaaniyada Dowladda ee sanadkan 2019ka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fadhiggoodii maanta ee xarunta Baarlamaanka waxaa ay goor dhaw ku meel mariyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019ka.

Xildhibaannada dood ka yeeshay Miisaaniyada ayaa ugu danbeyntii waxaa ogolaaday 174 mudane ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay Miisaaniyadda 55.8% (189.9  Milyan) ka filaysa Gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa  deeqaha dawladda la siiyo.

Meel Marinta Miisaaniyada ayaa horey wadnaha farta uga hayay Wasaarradda Maaliyada, iyadoo marar badan xildhibaannadu ka keeneen dood, mar marka qaar lagu kala qeysamayay. 

Saddex Askari iyo qof rayid ah oo lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Somaaliya

Wararka naga soo gaaraya gobolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof dumar ah oo ka tirsaneyd dadka degmada

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddexda Askari ee la dilay waqtigaa ku howlanaayeen Uruurinta canshuurta laga qaado ganacsatada degmada halka qofka kale ee dhintay aheyd qof dumar ah oo xaamillo ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha amniga degmada Afgooye iyo guud ahaanba maamulka gobolka, hasse ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdii dilka geystay goobta isaga baxsadeen.

Afgooye ayaa ka mid ah meelaha ugu darran oo ay ka dhacaan dilalka, qaraxyada iyo weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Manchester United vs Huddersfield

Maanta oo Arbaco ah (Boxing Day) waxa ciyaar aad iyo aad u adag lagu ciyaaray garoonka caanka ah Old Trafford ee Manchester. Ciyaartu waxay aheed ciyaar kulul oo dhex maray labada koox, waxay ciyaartu ku dhamaatay 3 goal iyo 1 goal.

Hadaba goolasha Manchester United goolka kowad waxa dhaliyay Nimanja Matic 28 minute ciyartu ka dib, ama 2 labada gool dambe waxa dhaliyay ciyaryahanka Poul Boghba. Huddersfield goolkooda waxa dhaliyay ciyaryahanka Mathiyas Zanka. 1 goal.

Ciyartu waxay ku dhamatay 3 -1

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo si rasmi ah xilka ula wareegay Maanta

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Waxaa xilka ku wareejiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Miye oo ahaa ku-simaha Madaxweynaha tan iyo markii uu xilkaa iska casilay Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Wuxuu sheegay in maanta uu si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay xilka madaxweynaha Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ku soo baxay codad gaaraya 101 cod.

Kulanka xil wareejinta ayaa waxaa uu ka sheegay Madaxweynaha cusub ee  Koofurgalbeed Laftagareen in uu muhiimadda 1-aad uu siin doono Amniga  Guud ee deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa u muuqatay mid kooban marka loo eeg xilwareejinnada noocan oo kale ah oo lagu martiqaado mas’uuliyiin kala duwan.

Inkastoo uu maanta xilka la wareegay ayuusan weli ka hadal Madaxweyne  Lafta-Gareen mowqifkiisa ku aadan golaha ay ku mideysan yihiin madaxda  maamul goboleedyada Galmudug, Puntland,Jubbaland iyo Koofur Galbeed.
Scroll To Top
Descargar musica