baravanews

Cabdiwali Gaas oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish

Jimco, June, 09, 2017  – Madaxweynaha dowlad  Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish kaddib dagaal culus oo habeen ka hore ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Bari oo ay ku dhinteen tiro badan oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Waxaa uu madaxweyne Gaas ka tacsiyadeeyay geeridii askartii shalay lagu laayay dagaal ka dhacay deegaanka Af-Urur, halkaasoo xero ciidan oo ay lahaayeen ciidamada daraawiishta ay weerareen Al-Shabaab.

“Waxaan shacabka Puntland u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhana ah burcad diimeedka ku soo duulay dhulkayaga”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in Puntland isaga filan tahay inay iska difaacaan kooxo uu sheegay in ay ku soo  duulleen deeganada maamulkiisa.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda federaalka iyo  beesha caalamka in ay ku taageeraan Puntland dagaalka adag ee ay kula jirto argagixisada oo uu ula jeedo Al-shabaab iyo kooxaha sheegta in ay ka tirsan yihiin Daacish ee ka dagaalama Puntland

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay 61 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ku dileen dagaal ka dhacay deegaanka Af-urur, waxaana ay ku furteen saanad milateri oo ay ku jiraan gaadiid dagaal.

Hasse ahaatee sheegashada Al-shabaab waxaa beeniyay Puntland oo sheegtay in tiro intaa la eg oo ciidamo ah loogu dilin dagaalkii Af-Urur.

Please follow and like us:

Ra’iisal wasaare Kheyre oo dibadbaxayaal ka hor sheegay wax qabadka dowladda mudadii ay jirtay

Axad,  June, 04, 2017 – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kumannaan dadweyne ah oo isugu soo baxay garoonka kubadda cagta Banaadir Stadium faah faahin ka siiyay waxqabadka dowladda muddadii ay jirtay.

Dibadbaxa ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgallay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wasiiro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay dawladda u hayaan, waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay in bisha Ramadaan laga wada shaqeeyo danta guud ee dalka iyo dadka gaar ahaan sugidda amniga, horumarinta caddaalladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo gar-gaarka dadka danyarta ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa soo hadal qaaday sida ay xukuumadiisa uga go’an tahay in caqabadaha jira looga gudbo iskaashi dhex mara guud ahaan hay’adaha dawladda iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

“Caqabadaha iyo dhibaatooyinka na horyaalla dawladda kaliyana wax kama qaban karto, waxaa loo baahan yahay in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada doorkooda ka qaataan, gaar ahaan aqoonyahanadda, culimada, oday-dhaqameeyada, ururada samafalka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada, taas oo looga gudbi karo marka la hello midnimo, wadanino, wadashaqeyn iyo iskaashi dhex-mara dawladda iyo shacabkeeda’’

Qorshaha Xukuumadda saldhigga u ah mar uu ka hadlayay ra’iisal wasaaraha ayuu tilmamay in ay ka mid yihiin:

1)Kow- ka-guul-gaarista xasiloonida guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.

2)Labo, dhisidda iyo meel-marinta cadaalad, garsoor hufan, karti, isla xisaabtan, daah-furnaan iyo ciribtirka Musuq-maasuqa.

3)SADDEX- kobcinta dhaqaalaha si loo ballaariyo wax-soo-saarka shaqo abuurka, maalgashiga iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha kuwaas oo lagama maarmaan u ah la dagaalanka saboolnimada iyo xasiloonida darada dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ayaa yiri:

“Wallow illaahey nooga roonaaday Abaarihii iyo dhibkii, balse casharka aan ka baranay Abaarta, wuxuu na tusayaa haddii aan isku tashano xukuumad iyo shacabba in aan ka hortagi karno aafooyinka Abaaruhu keenaan. Anagoo ka duulayna mowqifka ah in aan isku tashano, waxaa noo suurto-galay : In aan gaarsiino deeqaha gurmadka dalka oo dhan, mudadaas abaartu jirta waxaa la qeybiyey lacag dhan shan million oo dollar oo si hufan u gaaray dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in la wiiqay muddo kooban argagixisada, isagoona tilmaamay in la xakameeyey qaraxyadii iyo hubkii lagu sitay caasimadda.

“Howlgalkii ugu horeeyey ee la fuliyey waxaa lagu qabtay kooxo ka tirsan argagixisada iyo hub sharci darro ah oo loo adeegsan jiray gumaadka shacabka, waxaan ku guuleysanay in ciidamo badan xeryahoodii lagu celiyo, waxaan kaloo qaadnay jidgooyooyin sharci darro ah”ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Ugu danbeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in mudadaa kooban ee ay jirtay xukuumadda uu dalku gaaray horumaro la taaban karo haddii ay tahay dhaqaalaha oo sara-u-kacay iyo hannaanka maaliyadda oo dib loo saxay, isla markaana la dardargeliyey kobcinta iyo maareynta ilaha dakhliga, taas oo dhalisay in uu sara u kaco dhakhliga dawladda, laguna guuleystay bixinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda.

Please follow and like us:

Manchester United 4-1 Newcastle oo si adag loo graacay ciyaaraha Premier League ee ingriiska

Sabtida, November, 18, 2017  – Cayaartan oo aheyd mid siweyn loo wadda sugayay ayeey Manchester United xaqiiqsatay guusha premier League lugtii ugu danbeysay kaddib markii 4-1 ay ku garaacday kooxda kubadda cagta ee Newcastle.

Cayaaryahanka Bogba ayaa ku soo noqday manchester United marka uu ka maqnaa ciyaaraha manchester united

ku dhowaad laba bilood waxuu garoonka Old Taford ow ku dhigay ciyaar aad aad halis ah.

Ugu danbayn Cayaarta ayaa ku dhamaatay 4-1 ay manchester united ku dubatay Newcastle isla markaana ay taariikh cusub ugu abuurtay kooxaha Ingriiska iyada oo noqotay kooxdii ugu horaysay ee difaacatay koobka Premier league intii qaabka hadda yahay loo dhigay horaantii sagaashamaadkii.

Please follow and like us:

Wasiirka warfaafinta : dilalka Muqdisho Al-shabaab oo kaliya ma geystaan

Sabti, June, 03, 2017 – Wasiirka wasaarrada warfaafinta DF Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha xasilinta magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in dib loo soo celiyo amniga caasimada, si looga baxo nidaamka ku dhisan fowdada iyo kala danbeyn la’aanta mudada dheer soo jirtay, waana tan keentay ayuu yiri in xukuumadu tallaabadan go’aansato.

‘’Dowladd federaalka waa ay ka go’an tahay in dib loo soo celiyo amnigii caasimada, waa ay jiraan dad cabasho arintan ka qaba, laakiin ma jirto cid ay dowladda ka aqbali doonto in ay ka hortimaado qorshaha lagu xasilinayo caasimada’’ ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in Al-shabaab oo kaliya aysan mas’uul ka aheyn amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, laakiin jiraan sida uu hadalka u dhigay kooxo kale oo abaabulan.

‘’Waxaan hada maqalnay shaqsiyaad iyo kooxo hubkooda kala baxaya caasimada si aysan dowladda ugala wareegin, dadkaas waxaan rabnaa in aan u sheegno meel kasta oo ay hubkaa la tagaan in ay dowladda uga daba-tagi doonto islamarkaana tallaaabo laga qaadayo’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka soconayay howlgal ballaaran oo ay fuliyaan ciidamo gaar ah loogu tallagalay fulinta qorshaha xasilinta caasimada oo ay dhawaan anisixiyeen gollaha wasiirada.

Please follow and like us:

Reer Baraawe

Reer-Baraawe

Reer Baraawe waxay degaan Magaalada Baraawe ee dalka Somaaliya dhinaca koonfur,

Dadkani waxay deegaan magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxeena ku hadlaan luqad u gooni ah oo la dhoho Af-Baraawani ama (chimini ama chimbalazi), waa lahjad u dhow af-sawaaxiliga . Reer baraawe sidoo kale waxay ku hadlaan Af-tunni iyo af-maxaatiri. Dadka reer baraawe waa dad ganacsato ah, waxayna caan ku yihiin kaluumeesiga. waxyaabaha aad loogu yaqaano reer Baraawe waxaa ka mid ah cuntada macmacaanka ah, sida (Caano baraawe) oo soomaalida aad u xiiseeso, waa macmacaan laga sameeyo caano la karkariyay oo sunkor lagu daray iyo waxyaabo kale, kalarkiisa waxuu noqonaa gaduud, waxaa loo sameeyaa sida xalwada oo kale. Dhinaca musikada khatar ee ku yihiin, laakiin badanaa waxee ku heesaan heesaha af-baraawe, waa sida heesaha xamariga oo kale, wee ka duwanyihiin heeso dhaqameedka.

Af-Baraawe

Af-Baraawe waa luqad looga hadlo magaalada Baraawe iyo meelaha u dhow ee gobolka Shabeelaha Hoose. Luqadaan waa lahjo ka mid ah Afka sawaaxiliga. Af baraawe waxaa ku hadlo Reer baraawe, oo ayaga neh yaqaaniin afka soomaaliga.Afka baraawe sida oo ku imaaday lama yaqaano, dad waxee leeyihiin waxoo ka imaaday bortuqiiskii weeraray magaalada baraawe, dad neh waxee leeyihiin carabtii qabsatay xeebaha gobolka banaadir.

Dad badani waxay u maleeyaan afka reer Baraawe inuu yahay lahjad ka mid ah af-Soomaaliga balse sidaa maaha ,afka reer Baraawe ku hadlaan waa qayb ka mid ah af-Sawaaxiliga waxaana la yidhaahdaa Jimwiini(Chimwiini) waxaana si fiican u fahmi kara qofka yaqaana af-Sawaaxiliga ,Haddii afkani yahay lahjad ka mid ah lahjaddaha af-Soomaaliga markii laysku raacay inuu af-Soomaaligu ka kooban yahay laba lahjaddood(Maay +Maxaa tidhi/tiri =Afsoomaali) ayaa laga dhigi lahaa saddex lahjaddood waayo markaaba reer Baraawe way ku hadli jireen.

 

Please follow and like us:

Diiditaankii De Gea oo caqabad ku noqon kara in Morata uu ku biro Manchester United

[dropcap]D[/dropcap]United ayaa siku dayeysa lasoo wareegitaanka weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata-kaasoo ah bartilmaameedka koowaad ee Jose Mourinho, Halka Real Madrid ay dooneyso in xidigaan aysan ku iibin wax aan ka yareen £60million. Wargeysyada kazoo baxa Spain ayaa maanta daabacay in Morata uu madaxda Real u sheegay inuu doonayo inuu baxo maadaama uusan boos joogto ah […]

Marco Verratti oo doonaya Real Madrid halkii uu Barcelona ku biiri lahaa

Wararka ka’imaanaya Spain iyo Faransiiska ayaa sheegaya in xidiga reer Italy ee qadka dhexe uga ciyaara PSG Marco Verratti uu doorbidayo ku biirista Real Madrid halkii uu Barcelona ku biiri lahaa. Barcelona iyo Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayaa xidiga PSG, kaasoo ay u badantahay inuu xagaagan isaga soo hayaamo Horyaalka Faransiiska. Verratti ayaa […]

 

  • S
Please follow and like us:

Hor-umarinta Beeraha: Shabeelada Hoose (Baraawe)

Shabeelad hoose wa meesha keliya oo dhinaca beeraha ku wanaagsan waa dhul leh biyo iyo shaqaale fara badan, waa meesha keliya dhinaca beeraha oo maal gelin culus lagu semeeyn karo.

wax soo saarkeeda waxaa ka mid ah Muuska, Bambeelmada, masigada, Moordiga iyo waxyaalo kale oo fara badan oo lagu beero dhulalkaas ee Shabeelada Hoose.

Please follow and like us:

Horumarinta Kaluunka Baraawe

Waagii Dowladdii Mohamed Siyaad Bare, heesti waxa
loo dhiibay labad nin ka tirsanaa jireen ciidanka mariinada xooga dalka soomaaliyeed ee jiray,
labada nin waa reer baraawe waxaan heesteen Maraakiibta kaluumeysiga muddo 10-Sano iyo wax kabadan waxaana ka kaluumeestaan bad weynta indiya xeebaha Soomaaliya taasoo ka heeleen lacag
khalaad fara badan sida Dollar-ka mareekanka waxana kaluunka uu iib geeyaan wadanka Talyaaniga iyo,
yurub oo dhan waxaana shaqaala ahaan u qortaan
dhalayarada uu dhalatay reer BARAWE KALIYE qof kale Soomaali umbaa ogalaa inuu shaqale ka noqdaan
waxaana lacagta shaxaat ahaan uu siiyaan reer Barawaha
degan Magaaladda MOMBASA/KENYA, tasoo markhaati
cad aan ganbasho laheen loo haayo waxana iimandooma waqti lala xisaabtami doono ayaa iiman doonta intaa wadankeena dambi ka
geesatay oo shiqay ama cabay dhiiga shacabka soomaaliyeed, bal arrinta ka dooda way furan tahay

Please follow and like us:

Wax Soosaarka Magaalada Baraawe

[dropcap]D[/dropcap]iam wisi quam lorem vestibulum nec nibh, sollicitudin volutpat at libero litora, non adipiscing. Nulla nunc porta lorem, nascetur pede massa mauris lectus lectus, in magnis, praesent turpis. Ut wisi luctus ullamcorper. Et ullamcorper sollicitudin elit odio consequat mauris, wisi velit tortor semper vel feugiat dui, ultricies lacus. Congue mattis luctus, quam orci mi semper ligula eu dui, purus etiam in doloribus, semper convallis faucibus omnis donec, lorem id ligula in vulputate proin rhoncus.

Suscipit sed at montes at tellus. Aliquam nisl penatibus commodo massa mi rutrum, ut massa mollis dolor dui at, tortor ullamcorper vel diam pretium sit leo, pellentesque in leo eu mauris mollis aliquam, ultricies adipiscing eu a dui sollicitudin posuere. Massa vivamus ac ipsum, pede enim quam sit, mus aliquam amet pede quis laboriosam.

Lorem ipsum dolor sit amet, nullam sapien erat tristique tempor nulla, blandit sit metus volutpat integer wisi. Sed elementum, nec nec inceptos vestibulum diam proin erat, sociosqu et sit provident pellentesque sed aenean. Faucibus per turpis est pellentesque potenti, tristique iaculis adipiscing mauris, ante velit et massa donec facilisis, sed felis sed est.

Molestias ultricies, ante quam urna ut volutpat, egestas dolor dui, nec hac ultrices nulla non netus. Placerat vehicula donec non suscipit egestas, augue vel suspendisse. Et felis venenatis blandit sed est ultrices, adipiscing urna, at aliquam nullam facilisis aliquet sapien, eget duis consectetuer tristique nunc vitae erat, mi purus nisl lorem. Ac magna lobortis non, vulputate vitae viverra. [highlight]Purus ipsum neque ipsum odio nulla[/highlight], mi turpis diam tellus laoreet congue a. Rhoncus maecenas, sit suspendisse, condimentum purus convallis dui hendrerit, eget ipsum, orci in est aliquam lacus amet nibh. Sit quam massa diam sit rhoncus, semper vitae. Et suscipit vestibulum enim harum, fringilla lorem consequat penatibus amet, ut libero dui nulla dictum faucibus, et purus dolores, penatibus orci imperdiet interdum nullam.

Posuere class eget sollicitudin vitae, commodo libero nascetur. Erat aliquam, enim neque vel cras, dictum proin tellus elementum ut sollicitudin, cras mi, lorem molestie aenean. Augue eu illum sed ac wisi. Felis id cursus vestibulum lorem quam vivamus. Nonummy eget maecenas, mi donec et, etiam quam ultrices. Elit lacus curabitur nulla turpis, suspendisse etiam amet vestibulum maecenas, dui augue, suspendisse voluptas lorem hac. Morbi sed, fusce quis nam. Vestibulum vel nunc vitae pede. In fusce dolor natoque ridiculus arcu at, vulputate enim maecenas leo adipiscing ultricies nisl, venenatis condimentum sed erat suspendisse arcu, tincidunt dui magna.

  • Sed lorem aliquam eget, vehicula voluptate et eaque nec.
  • Odio hac volutpat in malesuada, vulputate facilis imperdiet nec.
  • Ligula dolor sodales lorem, blandit phasellus nulla cras.
  • Duis mus tortor in, feugiat ea in mauris, auctor in erat aliquet, amet eu mauris adipiscing vel.

 

Please follow and like us:

Enjoy this blog? Please spread the word :)